Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yuhuudda oo duqeysay koofurta caasimadda Dimishiq

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Yuhuudda oo duqeysay koofurta caasimadda Dimishiq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Israa’iil ayaa ridday dhowr gantaal oo dhulka laga hago oo lala beegsaday goobo ku yaalla koonfurta caasimadda Suuriya ee Dimishiq, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya ee SANA.

Duqeynta ayaa fiidnimadii Arbacada ku dhufatay magaalo ku taal koonfurta magaalada Dimishiq, halkaasoo ay ka geysteen khasaare nafeed.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Waa markii labaad oo ay Israa’iil duqaymo ka geysato Suuriya bishan, kaddib markii ay 9-kii bishii February la beegsatay gentaalada lidka diyaaradaha, taasoo jawaab u ahayd waxa ay ku sheegtay gantaal laga soo riday dhanka Suuriya.

Askari Suuriyaan ah ayaa lagu dilay shan kalana waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay meel u dhow Dimishiq horaantii bishan.

“Cadowga Israa’iil ayaa qaaday weerar dhowr gantaal  oo ka yimid buuraha Golan ee ay Israa’iil xoog ku wareegtay, iyagoo beegsaday magaalada Zakiya abbaaraha 11:35pm, SANA ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo milateri.

Koox la socota xaaladda Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeynta Arbacadii uu ahaa goob ay ku sugnaayeen ciidamada Suuriya.

“Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhig ciidanka dowladda,” sidaa waxaa sheegay Rami Abdel Rahman, oo madaxa kooxda la socota xaaladda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, oo u waramay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxdan fadhigeedu yahay UK waxay shabakad ballaaran gudaha Suuriya.

Israa’iil ayaa boqolaal weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha qaybaha ay dowladdu ka taliso ee Suuriya tobankii sano ee la soo dhaafay ee dagaalka Suuriya, laakiin dowladeeda ayaa dhif ah in ay qirato ama ka hadasho howlgalladaas.

Israa’iil oo weeraradeeda lala beegsaday xarumaha dawladda iyo sidoo kale ciidamada Iran ay taageerto iyo dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa shiicada hubaysan ee Xisbullah, iyadoo ku andacoonaysa inay doonayso inay ka hortagto cadawgeeda weyn ee Iran isku fidiso dalka Suuriya  oo ay dariska yihiin.

Previous Post

Mahad Salaad oo marka loo doortay xubnimada Golaha Shacabka +Sawirro

Next Post

Dhuusamareeb oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid ah BFS

Next Post
Dhuusamareeb oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid ah BFS

Dhuusamareeb oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid ah BFS

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In