Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 27, 2024
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke, kaasi oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii, waxaana la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaasi oo raasaas ridaya. Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qar iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana xilkii uu hayay lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasl oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Demeke oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga Talada haya, uuna ku matalayay Garabka Amxaarada ayaa sidoo kale laga qaaday xilkii uu hayay, Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay Kulankii Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga PP, ilaa hadda lama yaqaano sababta, balse, Xuuraan loo qaateen ah ayaa daaha ka rogayaa in Xisbiga haya talada Ethiopia ee PP-da uu taageeray Is-afgaradkii ay Dawladda dalkaasi la gashay Maamulka Somaliland, kaasoo ogolaanayay in Dhul/Xeeb Soomaaliyeed laga dhiso Saldhig milateri oo ay Ethiopia leedahay, iyadoo uu ka soo horjeestay Mr.Demeke Meknnen. Ku darsoo bilihii ugu dambeeyay Kacdoonka kooxda FANO ee Hubeysan kana wadaan Gobolada Amxaarada ayaa la sheegayaa iney Degaano badan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia oo u badan Qabiilka Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wararakii ugu dambeeyay oo mar dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhadda Amxaarada ay isku gadaameen xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara, iyagoo hadda Kaabiga ku haya magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed, waa sida qortay Amhara News Service, waxaa kaloo ay qortay in Gobalka Maamulka Axmaarada uu ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaa laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo dalkiisa dhexmaray bilowgii bishan, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo aanay soo farogalin wax uu ku sheegay “dhinacyo ka baxsan.”

Abiy oo hadal ka jeedinayay  shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Barwaaqo (PP), wuxuu intaa raacshey in Itoobiya ay kaga dhinteen boqollaal ciidan ah, si loo helo midnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya, islamarkaana aanay dalkiisa dani ugu jirin colaad dhex dhexmarta labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Itoobiya gabi ahaanba wax dan ah kama laha la dagaalanka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy Ahmed isagoo sheegay in uu dadaal xoog leh ay dowladiisu ka sameeysay sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaaliya.

Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020-kii, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaasi oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay ka dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Tallaabada gurracan ee ay qaadday Ethiopia ee ay ku faragelinayso Qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba. haddaba yuusan nagula soo gal galan colaaddda ka aloosan Dalkiisaa Itoobiya, taasi ayaa u baahan wax iska weydiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad, sida uu sheegay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin weydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Xarunta SoDMA

Next Post

Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Next Post
Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In