Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi faaโ€™iido wadaag ah.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hayโ€™adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hayโ€™adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, labada dal ay wada joogeen marxalado kala duwan oo isbeddello gobol iyo kuwa caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib ay Soomaaliya leedahay oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay taageerada Shiinaha ee dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Waddankaas kaas oo ah hal milyan oo doollar oo loogu talagalay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo fog.

Munaasabadda Waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, Qaar ka mid ah Danjireyaasha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Marti sharaf kale.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Next Post

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Next Post
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hayโ€™adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hayโ€™adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hayโ€™adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In