Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana suโaalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda #DanQaran.
Raโiisul Wasaaruhu waxuu kula dardaarmay wasiirrada in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa heyโadaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.