Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

1,500 oo qoys oo danyar ah oo loo qeybiyay raashiin gargaar ah

caqiil by caqiil
June 22, 2015
in Wararka
0
1,500 oo qoys oo danyar ah oo loo qeybiyay raashiin gargaar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan raashinka oo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo saraakiil ka socotay saldanadda Cumaan ay u qeybiyeen in ka badan 1,500 qoys oo ku nool degmooyinka Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay raashin ka kooban bur, bariis, baasto, sonkor, saliid, digir iyo timir, si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid oo ka hadlay kaalmada la gaarsiiyay ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Saldanadda Cumaan, sida ay u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in kaalmada ay ku soo aaday xilli loo baahnaa.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Alle ayaa na waafajiyay in afar boqol oo qoys oo ka mid ah bulshada degan degmada Kaaraan in ay hesho muwaacino ka soo gaartay saldanada Cumaan, waxaan u mahadcelineynaa Walaalaheen Cumaan iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo barnaamijkan na soo gaarsiisay”. Ayay sheegeen.

 

Madaxa Xiriirka degmooyinka iyo tirikoobka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Xuseen Xasan (Fanax) ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid saldanadda Cuman ay ugu talagashay in la gaarsiiyo dadka tabaaleysan, isagoo xusay inay si nabad ah ku soo idlaatay qeybinta raashinka.

 

“Waxaa Alle Mahadiisa ah in barnaamijkii saaka noo bilowday ee ahaa, qeybinta gar gaarka afurinta ee dowladda Cumaan noogu deeqday, Wasaaradda Arrimaha gudahana ka bixineysay gobolka Banaadir, in uu si nabad ah ku soo dhamaaday” ayuu yiri Fanax.

Madaxa Hay’adaha samafalka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Ibraahim Saalax oo ugu dambeyntii hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid walaalaha Cumaan ay ugu talagaleen in lagu afuriyo qoysaska, isla markaana ay sii wadayaan qeybinta raashinka.

“Waxaan rabnaa, barnaamijkan waa barnaamijkii saaka noo soo bilowday, waxa uu ku soo gabo gaboobay jawi degan, saaka waxa uu ka soo bilowday Degmada Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid, waxaan rajeynayaa in degmooyinka ay si nabad ah noogu dhamaaday, degmooyinka kale, sidan ayaa looga qeybin doonaa, ,maanta oo 22-ka bisha ayay bilaabatay, ilaa iyo arbacada ayay socon doontaa” ayuu yiri Cabdullaahi Ibraahim Saalax

 

Saldanayada Cumaan waxa ay sanadkasta xilligan oo kale raashin u qeybisaa qoysaska ku nool degmooyinka gobolka banaadir, iyada oo u marsiineysa Wasaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Previous Post

Xidldhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo la dhaariyaya

Next Post

Ridwaan Xaaji Cabdiweli:”Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya”

Next Post
Ridwaan Xaaji Cabdiweli:”Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya”

Ridwaan Xaaji Cabdiweli:"Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In