Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

1,500 oo qoys oo danyar ah oo loo qeybiyay raashiin gargaar ah

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
1,500 oo qoys oo danyar ah oo loo qeybiyay raashiin gargaar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan raashinka oo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo saraakiil ka socotay saldanadda Cumaan ay u qeybiyeen in ka badan 1,500 qoys oo ku nool degmooyinka Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay raashin ka kooban bur, bariis, baasto, sonkor, saliid, digir iyo timir, si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid oo ka hadlay kaalmada la gaarsiiyay ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Saldanadda Cumaan, sida ay u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in kaalmada ay ku soo aaday xilli loo baahnaa.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

“Alle ayaa na waafajiyay in afar boqol oo qoys oo ka mid ah bulshada degan degmada Kaaraan in ay hesho muwaacino ka soo gaartay saldanada Cumaan, waxaan u mahadcelineynaa Walaalaheen Cumaan iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo barnaamijkan na soo gaarsiisay”. Ayay sheegeen.

Madaxa Xiriirka degmooyinka iyo tirikoobka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Xuseen Xasan (Fanax) ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid saldanadda Cuman ay ugu talagashay in la gaarsiiyo dadka tabaaleysan, isagoo xusay inay si nabad ah ku soo idlaatay qeybinta raashinka.

“Waxaa Alle Mahadiisa ah in barnaamijkii saaka noo bilowday ee ahaa, qeybinta gar gaarka afurinta ee dowladda Cumaan noogu deeqday, Wasaaradda Arrimaha gudahana ka bixineysay gobolka Banaadir, in uu si nabad ah ku soo dhamaaday” ayuu yiri Fanax.

Madaxa Hay’adaha samafalka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Ibraahim Saalax oo ugu dambeyntii hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid walaalaha Cumaan ay ugu talagaleen in lagu afuriyo qoysaska, isla markaana ay sii wadayaan qeybinta raashinka.

“Waxaan rabnaa, barnaamijkan waa barnaamijkii saaka noo soo bilowday, waxa uu ku soo gabo gaboobay jawi degan, saaka waxa uu ka soo bilowday Degmada Kaaraan, Shibis, Heliwaa iyo Yaaqshiid, waxaan rajeynayaa in degmooyinka ay si nabad ah noogu dhamaaday, degmooyinka kale, sidan ayaa looga qeybin doonaa, ,maanta oo 22-ka bisha ayay bilaabatay, ilaa iyo arbacada ayay socon doontaa” ayuu yiri Cabdullaahi Ibraahim Saalax

Saldanayada Cumaan waxa ay sanadkasta xilligan oo kale raashin u qeybisaa qoysaska ku nool degmooyinka gobolka banaadir, iyada oo u marsiineysa Wasaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Previous Post

Xidldhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo la dhaariyaya

Next Post

Ridwaan Xaaji Cabdiweli:”Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya”

Next Post
Ridwaan Xaaji Cabdiweli:”Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya”

Ridwaan Xaaji Cabdiweli:"Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya"

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In