Maanta oo kale waa sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay booqashadii 1aad ee Somalia uu ku yimid Reccep Tayyip Erdogan, taas oo lagu tilmaami karo mid horseeday is-bedel Muuqda iyo Horumar la taaban karo oo ay Somalia lugaha la gashay, waxay noqotay maalin ku weyn Taariikhda Somalia,
Waa hubaal in qof walba ka dheragsan yahay halkii aanu joognay booqashadaas ka hor, waxaa taagnaa dagaalo qaraar iyo abaaro labaatan jirsaday, kuwaasoo sababay gaajo iyo cudurro naafeeyay dadka Soomaaliyeed. Waxaana dalka ku dhuftay abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo 60-sano ka badan, taasoo sababtay inay naftooda ku waayaan kumanaan dad ah, tahriibka dhallinyarada kusii hoobanayay badda ayaa isna ahaa mid gaaray heerkii ugu sarreeyay, nabad-galyada, caafimaadka, wax-barashada iyo dhammaan adeegyada asaasiga ah ee dalka ayaa ahaa kuwo laga quustay, xaalad deg-deg ah ayuu dalku galay, waxaana isa soo taray dalab si is-daba-joog ah uga soo yeerayay xukuumaddii xiligaas jirtay ee KMG-ka ahayd, taas oo beesha caalamka ka codsatay kaalmo biniโaadannimo oo deg-deg ah, laakiinse waxaa nasiib-darro wayn ahayd in hayโadihii gargaarka iyo dalalka deeqaha-bixiya ay dhegaha ka fureysteen qaylo-dhaantii dowladdii Soomaaliya,
19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin qaali ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waa markii ugu horeysay mudo ka badan labaatan sano oo uu Soomaaliya booqasho ku yimaado musโuul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sฤฑdaas u balaaran, waxay ahayd maalintii uu dalkeena booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamฤฑnayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tฤฑisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ฤฑyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa, Madaxweyne Erdogan oo markaa ahaa Raisulwasaaraha dalka Turkiga ayaa markฤฑฤฑ uu soo degayย toos u abaaray xerooyinkฤฑฤฑ qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalฤฑyeed oo ay wajฤฑyadooda ka muuqatay dhibaato iyo murugo, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ฤฑyo xaaskฤฑฤฑsa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalฤฑntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa โโWaxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaanโโย booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ฤฑn ay ku soo qulqulaan Soomaaliya.
Walaalaha Turkiga ayaa isla markiiba bilaabay gar-gaar biniโaadamnimo kii ugu badnaa ee soo gaara Somalia, waxaa si hagar laโaan ah loo taakuleeyay dadkii tabaaleysnaa ee ay ka soo barakiciyeen deegaannadooda abaarihii dalka ku dhuftay iyo weliba colaaddii socotay, Turkigu waxay dalka u soo direen dhaqaatiir iyo khuuburo caafimaad si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay xoojisay xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Turkiga.
Dhanka kale, waxaa la furay safaaraddii turkigu uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo noqotay safaaraddii ugu horreysay ee laga furuy meel ka baxsan garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Waxaa furmay wejฤฑ cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ฤฑyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.
Taageerada hagarlaโaaneed ee walaalaha Turkiga ayaa keentay in Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraan Turkiga walaalo iyo saaxiibo laysku halayn karo,
Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaarto ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa muuqaal naxdin leh ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Waqtฤฑ dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkฤฑฤฑ la gaarayย booqashadaas taariikhiga aheyd kadib, waxyaabaha aan la hilaami doonin waxaa ka mid ah kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah oo deeq wax barasho ka helay dalka Turkiga, dhismaha cibitaalada, iskuulada, wadooyinki iyo naleynta, biyaha, tayaynta ciidamada, taagerada dhaqaale iyo dhiirigelinta maalgashiga.
http://stfriendship.com/so/
By Axmad Guuleed