Siminaarkan oo socon doona labo maalin ayaa loo qabtay qaar ka midah shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumaddaSoomaaliya kaasi oo ku aadan nidaamka maamul u sameynta gobolada dalkaiyo dib u heshiisiinta furitaankiisana waxaa ka qayb galaymas’uuliyiin ka tirsan wasaarada.
Agaasimaha xiriirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Cabdifitaax Cali Xasan ayaa waxaa uu sharaxayaa siminaarka iyo waxyaabahalagu baranayo mudada uu socdo.
“Waxaa baran doontaa labada maalmood ee soo socota kow dib uheshiisiinta iyo bulshada kala irdowday sidii la isugu keeni lahaa oo boogahooda loo dhayilahaa farsamadii iyo waxyaabahaasaa meeshaan ku baran doontaan waxaad baran doontaa oo kale geedi socodka maaamulsameynta iyo federaaleynta waxaad kaloo baran doontaa wada hadal qaranmuxuu yahay xalinta khilaafaadka waxaad kaloo baran doontaan maamul wanaagga iyo waxa uu yahay”ayuu yiri C/ftaax
Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka mudane Nuur Maxamed Diiriye ayaa kula dar daarmay shaqaalaha loo furay siminaarka in ay ka faa’iideestaan aqoon kororsigaan isagoo si rasmi ah u furay dood cilmiyeedkaas.
“Siminaarku waxaa uu ku saabsan yahay oo aad ku baran doontaan dib u heshiisiinta sida loo sameeyo maamul sida loo sameeyo .xalinta khilaafaadka xasilinta dowlad wanaaga iyo isla xisaabtanka,siminaarkaan siminaar kalaa ka horeeyay sidaad horay ula socoteenba wayna is daba joogeen waxaan rajeyneynaa oo kale in shaqaalaha wasaaerada tababaro is daba jog ah ay heli doonaan sababta loo yeelanaya waxay tahay hadda ka dib in shaqaalaha wasaarada laga helo shaqsiyaad gaarsiin kara balaaqadooda dadka Soomaaliyeed aad baad u mahadsantihiin maanta oo ay taariikhdu tahay 08 06 2015 waxa noo furan siminaarkeenii aan iskugu imaanay”ayuu yiri Nuur.
Wasarada arimaha gudaha iyo federaalka ayaa daadal ugu jirta dardargelinta howlaha horyaala ee la xiriira horumarinta nidaamka federaalka iyo dib u heshiisiinta dalka si dalka loo gaarsiyo doorashooyin sanada 2016.