Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo uu hor kacayo wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo habeenimadii xalay ahayd gaaraydalka Suudaan ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Gudoomiyaha jaamacadaasi.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dowladood iyo arrimo quseeya dhanka waxbarashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiir Odowaa oo ahaa ardaydii ka aflaxday Jaamacadaas ayaa aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda, Dowladda iyo shacabka Suudaan intaba sida ay u garab istaageen da’yartii Soomaaliyeed ee waayay waxbarasho ay ku helaan gudaha dalkooda kadibna usoo huleelay in ay waxbarasho u soo raadsadeen walaalahood Suudaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay jireen arday badan oo dhibaato usoo marey in ay Suudaan soo gaaraan si ay waxbarasho u helaan oo ay kasoo waayeen wadamo badan oo daris ah lkn ay suudaan ka heleen.

Wasiirka ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Afrika in ay kasoo qayb galeen shirkii Tacliinta sare oo ay qabatay Jaamacadda Umadda kaasoo ka dhacay magaalada muqdisho bilowgii bishan.

Dhankiisa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd ayaa isagana u mahad celiyay booqashada uu wasiirka soo booqday Jaamacadda Afrika isagoo sheegay in tacliinta Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay xiligan.

Waxa uuna sheegay in Jaamacadda Afrika ay doonayso in xariir la yeelato Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay dhawaan qorsheenayaan in ay kala saxiixdaan hishiisyo dhinacyo badan ah.

Wafdiga uu horkacayo Wasiir Odowaa ayaa lagu wadaa in kulamo la qaato madax dowladda Suudaan ka tirsan maalmaha soo socdo.

IMG_20160824_135202 IMG_20160824_135256 IMG_20160824_135243 IMG_20160824_135226 IMG_20160824_135217 IMG_20160824_135151

Previous Post

Wuxuu ku jiiftay dharkii shaqada xakiisa ayaa Booliska ku dacaysay

Next Post

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Next Post
Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In