Saturday, May 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 27, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 27 August 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Al-Shabaab oo lagala wareegey deegaanka Buulo-Xaawo, Badeecado dhacday oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Baardheere oo la qabtay, Ciidanka Ammaanka oo shacab farabadan ka badbaadiyey Weerarkii Argagaxisada ee Benadir Beach Restaurant, Baarlamaanka oo soo bandhigay waxqabadkooda 4tii sano, Talista Ciidanka Asluubta oo horumar ballaaran ku tallaabsaday, Buundada deegaanka Tixsiile oo dayactir lagu sameeyey, Qalab caafimaad oo la gaarsiiyey MCH-ka Kaaraan iyo Ciidanka Booliska oo 5 ruux u soo qabtay weerar bamboo gacmeed ah.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025

Al-Shabaab oo lagala wareegey deegaanka Buulo-Xaawo

Ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa 22kii August 2016 Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-xaawo inta u dhaxeysa Bardaale iyo degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari-Case ayaa sheegay dagaalka ka dhacay Buulo-xaawo in ciidanka ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaankaasi iyo tuulooyin hoostaga.

Badeecado dhacday oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21kii August 2016 gacanta ku dhigay badeecado dhacday oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, taasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Muqdisho. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay inay badeecadan oo isugu jirtay Buskut, Nacnac, iyo Daawooyin waqtigii isticmaalka dhaafay, ay xabsiga u taxaabeen raggii watay. Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Eng; C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay mar mar dalka soo geliyaan badeecoyin dhacday, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay fal dambiyeed laga galay bulshada. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr; Axmed Cali Daahir ayaa amray in la ciqaabo dadka ku howlan ka ganacsiga badeecooyinka dhacay, kuwaasoo ay ku jiraan ragga maanta soo dejiyay badeecadaha dhacday.

Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Baardheere oo la qabtay

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa 21kii August 2016 sheegay in ay qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada degmada Baardheere. Taliyaha Amniga degmada Baardheere Col. Xuseen Cumar Xasan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa sameynta Qaraxyada degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Ninka la qabtay ayaa la sheegay in uu Qarax ka geystay degmada Baardheere, ka dibna howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ay ku soo qabteen. Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay qabashada hor-joogahaan ku howlanaa baa bi’inta shacabka degmada baardheere.

Ciidanka Ammaanka oo shacab farabadan ka badbaadiyey Weerarkii Argagaxisada ee Benadir Beach Restaurant

Ciidanka Amniga ayaa fiidkii 25kii August 2016 shacab fara badan ka badbaadiyey weerarkii argagaxisada ay ku qaadeen Makhaayada Benadir Beach. Kooxda Argagaxisada ayaa gaari walxaha Qarxa ka buuxaan ku qarxiyey afaafka Makhaayada ka dibna ay maleeshiyaad Al-Shabaab ah gudaha u galeen Makhaayada oo ay shacab ku dileen qaarna ku dhaawaceen. Hase yeeshee ciidanka gurmadka gaarka ah ayaa durbadiiba soo gaaray goobta oo intii uu rasaaseynta socotay ay shacab fara badan ka soo badbaadiyeen goobta, ka dibna ay halkaas ku dileen maleeshiyaadkii gudaha u galay Makhaayada.

Baarlamaanka oo soo bandhigay waxqabadkooda 4tii sano

20ka August 2016 oo aheyd sanadguuradii 4ta sane ee Baarlamaanka ayaa kulankoodii ay ku soo bandhigeen waxqabadka Baarlamaanka. Mudane Mahad Caballa Cawad Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhinabada ka hor akhriyey waxyabhii ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo hoy uu baarlamaanku ku shaqeeyo. Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo ah golahii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa mudadii ay xilka hayeen waxa ay ku meel mariyeen ama ku ansxiyeen in ka badan 20 sharci oo muhiim u ah dalkeena xiligan ku jira ka soo kabashada burburkii, waxa ayna diyaariyeen sharuucyo iyo agab ay ka dhexli doonaan baarlamanaka 10aad

Talista Ciidanka Asluubta oo horumar ballaaran ku tallaabsaday

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa is badal weyn ku sameeyey qaabkii uu u shaqeynayey Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ka jireen Dhibaatooyin dhanka Nolosha ah waxaana Xabsiga uu ka dhigay Goob Maxaabiista lagu dhaqan celiyo waxna lagu baro isagoo Xabsiga gudihiisa ka hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan sariiro iyo in uu qol kasta oo ka mid ah Xabisga dhexe uu galiyey Telafashino ay Maxaabiista kala socdaan Ciyaaraha iyo Wararka Caalamka iyadoo intaas ay sii dheer tahay in la baro Farsamada gacanta. Sidaasi oo kale Xabisga dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa isna dhawaan la geeyey Sariiro iyo Telafashino, waxaana Qorshaha Taliska Ciidanka Asluubta uu yahay in dhamaan Xabsiyada Dalka ku yaala isbadal horumarineed laga sameeyo sida uu Taliyaha Ciidanka Asluubta sheegay. Waxaa lagu guuleystay in Muqdisho laga dhiso Xabsi weyn oo wax kasta oo Nolosha aadmiga ay u Baahan tahay laga helayo.

Buundada deegaanka Tixsiile oo dayactir lagu sameeyey

23kii August 2016 ayaa xariga laga jaray Buundo muhiim ah oo dayactir lagu sameeyey oo ku taalla deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabeelada Hoose. Deegaanka Buundada ku taalo ayaa sidoo kale la yiraahdaa 10-ka Buundo waxa ay u dhaxaysaa degmada Afgooye iyo demada Wala-weyne ee gobalka Shabeelada hoose. Munasabaddii xarigga looga jarayey waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiinta Maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya iyo kan Shabeelada Hoose. Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibrahim Adan Ali, ayaa sheegay in dhaqaalaha lacageed ee canshuurta ay bixiyeen dadka ku dhaqan degmada Afgooye in lagu dhisay buundadan.

Qalab caafimaad oo la gaarsiiyey MCH-ka Kaaraan

Dowlada Talyaaniga ayaa 25kii August 2016 Qalab Caafimaad ugu deeqay xarunta hooyada iyo dhalaanka (MCH) ee degmada Kaaraan. Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cumar Meyre Macow oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goob jooga ka aheyd wareejinta qalabkan caafimaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay soo gaarsiiyeen dadka ku dhaqan degmada Kaaraan. Korneel Bernardo oo kamid ah saraakiisha dalka Talyaaniga ka socda oo qeybta ka ah howlgalka midowga Yurub ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in ay gacan ka geystaan kor u qaadida caafimaadka hooyada Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska oo 5 ruux u soo qabtay weerar bamboo gacmeed ah

Taliyaha Saldhigga Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banadir C/qaadir Axmed Nuur, ayaa 24kii August 2016 sheegay in eedaysanayaasha ay iminka gacanka ku hayaan laamaha amniga ay tiradoodu gaarayso Shan qof, lana marin doono baaritaanno ku filan, si loo waafajiyo sharciga. Ciidanka Boliiska Degmada Xamar weyne ayaa hawlgal dheer ka dib Gacanta kusoo dhigay Shan qof oo dhammaantood Rag ah, kuwaasoo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen weerar Bam Gacmeed ahaa, oo lagu qaaday Guriga Wasiiru dowlaha Gaashaan-dhigga Soomaaliya.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

unnamed unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1)

2

Previous Post

Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga Afrika iyo Japan oo goor dhow furmaya+Sawirro

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta Isboortiga oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post
Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo taageero siinaya Maamulka Koonfur Galbeed

Kulan looga hadlayay horumarinta Isboortiga oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In