Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10 km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Duqeymaha ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo dib isugu abaabulayay deegaanka, kaddib jab ay kala kulmeen Ciidanka Xoogga Dalka dagaallo shalay galab ka dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, duqeymaha waxaa lagu dilay 42 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 12 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari ciidan, fariisimo iyo difaacyo ay kooxda ku lahayd deegaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhabar-jab xooggan ku noqday Khawaarijta, islamarkaana uu wiiqay awooddooda abaabul iyo dhaqdhaqaaq.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo si wadajir ah u fuliyay howlgalka. Waxa ay sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay ka geystaan la-dagaallanka argagixisada.

Wasaaraddu waxay xustay in howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Next Post

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

Next Post
NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In