Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada Ciidanka XDS, oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka XDS.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Cirka XDS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Hoggaamada Taliska Guud ee Ciidanka XDS, Taliyeyaasha Qaybaha Ciidanka XDS, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka XDS.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa shahaadooyin iyo abaalmarinno lagu guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay, iyadoo lagu maamuusay dadaalkii, kartidii, iyo heerkii sare ee ay ka gaareen waxbarashadooda iyo tababarkooda.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay bandhigyo faneed iyo suugaan waddani ah oo ay soo bandhigeen fanaaniin iyo Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaaday bilicda iyo qiimaha munaasabadda, isla markaana muujiyay doorka fanka iyo suugaantu ku leeyihiin dhiirrigelinta waddaniyadda iyo kor u qaadidda niyadda ciidamada.

Munaasabaddu waxay ahayd mid ka tarjumaysay dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada tababarka iyo aqoonta saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo hoggaan ciidan oo karti, aqoon, anshax iyo waddaniyad ku dhisan.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha qalinjabisay, isagoo ku boorriyey inay ku shaqeeyaan daacadnimo, anshax ciidan, isla xisaabtan iyo difaaca midnimada, madaxbannaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

Next Post

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Next Post
42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In