Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

70 jir ka Qalin jabiyay Jaamacaddii uu wardiyaha ka ahaa

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
70 jir ka Qalin jabiyay Jaamacaddii uu wardiyaha ka ahaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suldaan Maxamed Sheekh Faarax wuxuu sannado ka dib, dhammeeyay Jaamacadda Safaana ee degmada Guriceel, wuxuuna ka baxay kuliyadda shareeca Wal-qaanuun.

Da-diisa waa 70-sanno, wuxuuna hayaan dheer oo waxbarasho ka dib ku guuleystay inuu ka qalan-jabiyo jaamacaddii uu waardiyaha ka ahaa,islamarkaana uu xaqiijiyo hadafkiisa waxbarasho.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Suldaan Maxamed Sheekh Faarax da-diisa iyo shaqada uu hayaba kama hor istaagin inuu waxbarashadiisa sii wato, wuxuuba nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo 70-arday oo sanadkan ka baxday Jaamacadda Safaana degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.

โ€œJaamacaddan wax badan baan soo joogay, wax maanta kaliya maynan ahayn, markan waxbarashada iyo howsha ka socota jaamacadda ayaa waxaan goโ€™aansaday anigoo 70-jir ah inaan ka qeyb galo waxbarshada Jaamacadda Kheynuun wal-shareeca, sidaas daraateed, maaddaama jaamacadda aan muddo joogay qeybta ammaanka iyo dhireyntaba, Waxaa guushan igu dhiira-geliyay maamulka Jaamacadda, runtii waxaan kala kulmay soo dhoweyn diiran iyo gacan qabasho,โ€ ayuu yiri Aabe Maxamed.

Aabe Suldaan, wuxuu dhallinyarada iyo asaagiisaba ku dhiirigeliyay in aysan ka caajisin waxbarashada si ay beri ugu noolaadaan nolol qurux badan.

โ€ Darbi jooga, maqayad fadhiga ah maalaa-yacniga in la iska dhaafo oo xagga waxbarashada Diin iyo Maadiba la aado, shacabka ayaa ku boorinayaa, tan kale waxaa waaye marka aniga hindisahan i galay dad baa ila yaabanaa oo yiri suurta gal ma ahan ee waxaa kuu roon ninyahow inaad meelahaaga iska joogtoโ€,.

Sidoo kale, Aabe Suldaan ayaa sheegay in sababta uu u doortay Maaddan ay tahay in waxqabadka Bulshada ee dhanka Diinta uu door weyn ka qaato, isagoo dhanka kale, bogaadiyay una mahadceliyay dhallinyaradii fasalka ay wada dhigan jireen oo uu sheegay in ay si weyn u taagaareen.

Abuukar Cabdi Muuse, wuxuu ka mid yahay ardayda ay muddo wax Isla baranayeen Aabe Suldaan, wuxuuna sheegay inuu dhiirigelin ka aaadi jiray Aabe Suldaan, maaddaama uu ahaa nin daโ€™ah oo haddana dadaal badan.

Macallin Daahir Xirsi wuxuun ka mid yahay maamulka Jaamacadda Safaana ee degmada Guraceel, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan inuu ka soo dhex baxo Aabe Suldaan oo kale oo ay jiraan dad badan oo dhiiragelin ka qaaday hayaankiisa waxbarasho.

โ€ Run ahaantii waxaa tahay qof ku dayasho mudan, qof daโ€™daasi jira oo haddana waxbarasho hami u haaya, ujeeddada u weyn uu Suldaan ardayda u dhex fadhiyau waxay tahay role model oo isaga asaagiisa ah oo guryaha iska dhex fadhiya ama meelaha fadhi ku diriryada fadhiya oo waxyaabaha aan munaasibka ahayn, waxaan rejeyneynaa in iyaguna masaajiddada u dareeraan, cilmiga bartaan, maaddaayinka kale duwan bartaan, odayga hanoola geeyo ayaa la yiraahdaa,โ€ ayuu yiri Macallin Daahir Xirsi.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in ay taageerayaan Ganacsiga gaarka loo leeyahay

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In