Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraan 717 Xaaji ayaa maanta ku geeriyootay magaalada barakaysan ee Maka gaar ahaan deegaanka Mina ka dib markii is buurasho bahsan ay halkaasi ka dhacday sida laga soo xigtay saraakiisha dalka Sacuudi Carabiya.

Dhacdadan ayaa waxaa ku dhaawacmay 863 Xaaji kuwaas oo qeyb ka ahaan in ka badan labo milyan oo sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Mina oo ah goobta maanta dhibaatadan ay ka dhacday ayaa ah goobta dhagax tuurka ama Jamaraadka, iyadoo magaalada Maka ay u jirto qiyaastii 5 km ama 3 mlies.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay tahay tii ugu xumeyd oo soo marta Xajka muddo ka badan 25 sano.

Dadka qaar ayaa la sheegay in goob loogu talagalay in laga baxo qofka marka uu guto tuurashada dhagax in kuwo kale ku khaldameen isla markaana ka soo galeen taasi ayaana sababtay is buurashada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wadamada ay ka soo jeedaan dadka maanta Mina ku geeriyooday ayaa warar u dhac ah waxaa ay sheegeen in ay kamid yihiin kuwo u dhashay dalalka Niger. Nigeria, Chad, Senegal iyo kuwo kale.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dad da’ ah iyadoo carruur aad u da’yarna la aaminsan yahay in ay kamid ahaayeen.

Ciidanka amniga ee dowladda Sacuudi Carabiya iyo shaqaalaha bisha Cas ayaa goobta loo daabolay si ay gurmad ugu fidiyaan dadka ay mashaqada qabsatay.

Wasiirka Caafimaadka ee Sacuudiga Khaalid Al Faalix ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka dhalatay markii xujajta ay ku guul dareysteen in ay raacaan tilmaamihii la siiyay.

Dhibaatooyinkii Xajka soo maray

Sanadkii 2006: 364 Xaaji ayaa ku geeriyooday is buurasho ka dhacday Mina oo ah goobta dhagax tuurka.

Sanadkii 1997: 340 Xaaji ayaa ku geeriyootay markii uu dab qabsaday Teendho ay deganaayeen Xujaaj oo ku taalay Mina.

Sanadkii 1994: 270 Xaaji ayaa ku dhimatay is buurasho ka dhacday goobta dhagax tuurka ama Jamaraadka.

Sanadkii 1990: 1,426 Xaaji oo u badnaa dad ka soo jeeda qaaradda Asia ayaa ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Makatal mukarama.

Sanadkii 1987: 402 Xaaji oo u dhashay dalka Iran ayaa ku geeriyooday markii ay isku dhaceen ciidanka amniga taas oo ka dambeysa markii Xujaajtaasi Iran ka soo jeeda ay dibad bax Mareykanka ka dhan ah ay qabteen.

Sanadkan waxaa magaalada barakeysan ee Maka gaar ahaan Masjidul Xaraamka waxaa ku geeriyooday 109 ruux ka dib markii ay soo duntay mid kamid ah wiishishka dhismaha ee masjidka.

 

 

Previous Post

Magaalada Xudur oo ciidul Adxa loogu dabaaldegay-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo lagu hor dhaariyay Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka XDS “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo lagu hor dhaariyay Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka XDS “Sawirro”

Madaxweynaha oo lagu hor dhaariyay Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka XDS "Sawirro"

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In