Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qormo: Dhaqanka Siyaasiga iyo Qidooyinka uu Adeegsado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Qormo: Dhaqanka Siyaasiga iyo Qidooyinka uu Adeegsado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta badan dunida oo dhan dadka ku jira Siyaasadda qaarkood waa kuwo arxan daran, oo dantooda ahmiyadda koowaad siiya, waxaana jirta in daraasad ay culimada cilmiga bulshada ka sameeyeen qidooyinka Siyaasiga iyo noocyada kale duwan ee dadweynaha loo kiciyo, ama loo abaabulo, si loogu gaaro dano siyaasadeed lagu ogaaday in ay isticmaalaan qidooyinka:

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Inaga iyo Iyaga.

Siyaasiyiintu waxa ay abuuraan sohdin dadweynaha u kala qeybineysa ‘Inaga iyo Iyaga’; Inaga oo reer Qansax ah iyo iyaga oo reer Qurac ah; Inaga oo ah dadka deegaanka iyo iyaga oo ah dad meelo kale ka yimid; Inaga oo ah dimuqraadiyiin iyo iyaga oo ah kali talis, inaga oo ah kuwa canshuurta bixiya iyo iyaga oo ah kuwo aan canshuur dhiibin, inaga oo ah Qorax-joog iyo Iyaga oo ah Qurbe-joog.

Abuuridda Muuhaal Cadow

In siyaasigu dadweynaha u abuuro muuhaal cadow, taas oo ah in qofka siyaasad ahan markaa ka soo horjeedo uu dadkweynaha u tusiyo mid qatar ku ah jiritaankooda, hantidooda, ama habka noloshooda, iyo in kuwa kale ee naga soo horjeedo ay qaateen shaqooyinkeenii- intaas oo reer Qurac ah ayaa laga qaaday xilalkii ay hayeen oo intaas oo reer Qansax ah ayaa xil loo magacaabay.  Haddii ay siyaasadda ku heshiiyaan, target-kii hore ma sii ahaanayo qatar ama cadowga danta Ummadda, ama waxyaabihii muuhaalka cadowga ahaa ee horey loo muujin jiray, ee waxa uu noqonayaa qeyb naga mid ah.

HANTIDIINA AYAA LA QAADANAYAA/ CIIRTIINII AYAA LA CABAY. Tusaale: Canshuurta.

Waxaad arkeysaa Siyaasi leh dadka Gobolka Banadir kaliya ayaa canshuurta laga qaadaa, isaga oo markaa dadka u abaabulaya hab qabiil, una tusaya in uu yahay qofkii mustaqbalka dantooda si gaar ah uga shaqeyn lahaa; isweydii haddii uu guuleysto, ma canshuurta ayuu joojin doonaa, MAYA. Waxaa kale oo uu markaa inkirsan yahay in waxa la canshuuro aanay aheyn dadka ashqaasta ah ee ku nool Gobolka Banadir, ee Dowladdu ay canshuurto maciishada ka soo degta Dekedda Muqdisho, alaabtaasoo u soo degta Soomaalida ku nool Gobolada Koofureed oo dhan, ilaa Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, canshuurtuna ay raacdo qiimaha maciishada ama sheyga loo qaaday Gobolka, oo ay saarantahay kartoonka Bakool ama Hiiraan loo qaaday, sidaasina dadka Bakool ku nool ama Hiiraan ku nool ay yihiin kuwo Canshuurta la sheegayo bixiya. Weliba iyaga oo ay u sii dheertahay Canshuuraha lagu qaado dariiqyada, oo ay maamul goboleed ama Shabaab ku canshuuraan dariiqa.

Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in Miisaaniyadda Dowladda 40 boqolkiiba ay dowladdu ka hesho gudaha, 60 boqolkiibana ay tahay kab laga helo dibadda ama Bulshada Caalamka; Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in Mashaariic qiimo ahan sanadkii la’eg 60 boqolkiiba Miisaaniyadda Dowladda oo ay dunidu maalgeliso ay Dowladda Dhexe ka hirgeliso Gobolka Banaadir; Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in dayactirka iyo dib-u-dhiska Xafiisyada Wasaaradaha, Wakaaladaha, Jaamacadda Ummadda, Jidadka, Madaarka ay dhammaan Dowladdu ka fulisay Gobolka Banaadir ayna tahay sharaf iyo mudnaan gaar ah oo ay heleen muwaadiniinta ku nool Gobolka Banadir.  Waxaa uu daweynaha ka qariyay in 90 boqolkiiba Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda ee hadda Qaranka u shaqeeya laga qoray Gobolka Banadir; Waxa uu dadweynaha ka qariyay in Shaqaale Dowladeed oo Wakaalad ama Wasaarad Xafiis ku leh Hiiraan ama Bakool aanay hadda jirinin.

DAMQINTA BOOGIHII DAGAALKA SOKEEYE

Siyaasiintu si ay dan shaqsi ah u gaaraan waxa ay kiciyaan dareenka dadka, iyaga oo soo xusuusinaya Ummadda dhacdooyin hore oo murago iyo naxdin leh, isla markaana xiriir u sameynaya in haddii aysan hadda tallaabo qaadin ay soo socoto musiibo weyn oo la mid ah tii waagii hore, iyagoo xiriirin qabyaaladeysanna u sameynaya.

Dadka Siyaasadda ku jira waa u caado in ay ku awr kacsadaan wax Alaale wixii ay u arkaan in ay dadka shucuurkiisa ku bedeli karaan, ku abaabuli karaan si loogu gaaro dano siyaasadeed. Madaxweyne Trump ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida ula kaca ah u isticmaalay qidooyinka siloon sida in uu dadka caddaanka ah ama cunsuriga ah calanka u lulay oo yiri Muslimiinta ayaan ka mamnuucayaa in ay soo galaan America haddii aad idoorataan, isla markaana erayo xun xun u isticmaalay dadka soogalootiga ah iyo dadka laga tiro badan yahay, waxaana la sheegaa in uu shacbiyad ku helay xumaan sheegistaas. Waxad arki kartaa Xildhibaan ama Siyaasi Soomaaliyeed oo durbaan qabiil garaacaya, kuna helay shacbiyad weyn.

Taasi waxa ay keentay in maanta Soomaaliya si aan xishood iyo wadaniyad laheyn qabiil loo xuubsiibtay, iyadoo aan dan laga laheyn Amniga iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda, oo kaliya uu Siyaasigu ka eegayo dano guracan oo muddo gaaban ah, in uu si qabyaalad ku dhisan, dadka u abaabulo.

Haddaba, Soomaali ha ogaato in marxaladda ay maanta joogto, oo ah mid ay ka soo kabaneyso dagaal sokeeye, Hay’adaheeda Amniga, Caddaaladda ay tabardaran yihiin, heerka tacliinta dadkeeduna hooseeyo,  habdhiska qowmiyaddeena uu qabiil iyo qabyaalad ku dhisan yahay. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in ay qatar weyn tahay in Soomaaliya sidaas wax loo abaabulo, waxaana laga yaabaa in dhibaato weyn oo nabadgelyada dalkeena galaafata ay ka dhalato, sidaa awgeed, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan iyo cawaaqibka ka dhalan kara, iyagoo u tura danaha shacabka ay siyaasadda ku matalaan, ayna aragtigooda ku cabiraan dhismaha dowladnimada oo ay ka fogaan waxkasta oo dalka u horseedi kara bur bur.

W/D: Diblomaasi Sare, Farhan Gurhan

[email protected]

Previous Post

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo kormeeray Gaadiidka booliska “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare

Next Post
Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In