Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Uhuru Kenyatta”Waa in aan Ku Guuleysanaa Dagaalka Ka Dhanka ah Argagixisada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo galabta warbaahinta kala hadlay shacabka ayaa uga tacsiyeeyay xasuuqii ay maleeshiyaadka Al-shabaab 36-qof ku xasuuqeen deegaanka Koromey ee County-ga Mandera.

Madaxweynaha ayaa Yiri “ dagaalkan waa dagaal lagu soo qaaday Dalka Kenya iyo shacabkiisa,ma ahan dagaal ka dhan dowlada uu hogaamiyo xisbiga jubilee iyo hogaamiyaashiisa,waana dagaal loo baahanyahay in uu dagaalamo qof kasta oo naga mid ah”

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

“Dadka Keenyaanka ah waan ogahay in qof kasta oo naga mid ah uu cadaadisa dareemayo,laakiin waxaan ka codsanayaa qof kasta oo naga mid ah lama joogi waqtigii uu na qalqal galin lahaa cadawga,waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhamaan hogaamiyaasha in ay istaagaan oo ay ka hor tagaan cadowgan,kani waa dagaal,dagaalkaasi oo aan u baahanahy in aan si wada jir ah ugu guuleysano,waqtiyada nuucaan oo kale waa in ay midoobaan dadka Keenyaanka ah una istaagaan Kenya”Ayuu Yiri Madaxweyne Uhuru.

Madaxweynaha Kenya oo Ka Hadlayay dadka muslimiinta ah iyo diinta islaamka ayaa Yiri”Muslimiintu waa ummad shaqo badan oo nabadeed,waxaan idin weydiisanayaa in sii wadaan is-garb taaga wadaankiina iyo muwaadiniintiisa,oo aadan u joojin argagaxisada damacsan in ay diintiina islamaanka ku haleeyaan wada noolashaha dadka keenyanka ah,dhamaan dadka Kenyaanka ah wey fahansanyihiin in diinta islaamku ay tahay mid nabadeed,maxaa yeelay ilaah waa mid naxariis badan”

“Argagaxisada sheeganaya in ay magaca ilaah wax ku dilayan,ma ahan muslimiin mana ahan dad ilaah yaqaano,laakiin waa xayawaano lumiyay maskaxdooda,waxaana idiinku baaqayaa in aad joogteeysaan dhaqamada runta ah ee diinta islaamka oo ah dul qaadka iyo tix galinta dhamaan dadka,waxaana ku tiirsanahay taageeradiina ku aadan dagaalka aan kula jirno mitidiinta iyo argagaxisada”Ayuu Yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta in ay ka fogaado waxyaabaha iska hor keeni karo ummadaha kala diimaha ah ee ku dhaqan dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu warqad shaqo ka firiisi ah u soo gudbiyay taliyaha ciidanka booliska David Kimaiyo,islamarkaana uu ka aqbalay.

Madaxweyne Uhuru ayaa sidoo kale sheegay in xilka laga qaaday wasiirkii Arrimaha gudaha Joseph Ole Lenku oo mudo 20-bilood ah xilka hayay,waxana lagu bedelay Jeneraalka shaqada ka fariistay ee Joseph Nkaissery oo loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.

Madaxweyne Uhuru ayaa ugu baaqay baarlamaanka in ay baaraan wasiirkan cusub,islamarkaana ay ansaxiyaan.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in uu baarlamaanka u qoray waraaq codsi ah oo u kaga codsanaya in ay dib u dhigaan fasaxii ay aadi lahaayen si loo dhameeyo howlo dalka quseeyo oo hor yaalo.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Mandera

Next Post

Askar ka tirsan ciidanka booliska oo la barayo howlaha gurmadka dab-damiska

Next Post

Askar ka tirsan ciidanka booliska oo la barayo howlaha gurmadka dab-damiska

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In