Shir looga hadlayay dib u eegsita Waxbarashada dalka ayna ka qeybgaeen Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa maanta ka furmay magaaladda Muqdisho.
Shirka dib u eegista waxbarashada dalka waxaa kaloo ka qeyb galay Wakiilo ka socday Hay’adaha caalamka ee dhinaca Waxbarashada qaabilsan, gaar ahaan Midowga Yurub iyo UNICEF ,Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka, daladaha dhinaca waxbarashada, Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira iyo wakiilo ka socday qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya.
Wakiil u hadashay UNICEF ayaa ku baaqday in la taageero waxbarashada carrurta, isla markaana la xoojiyo dadaallada ku aadan wax barista carruurta Soomaaliyeed.
Madaxa qeybta arimaha bulshada ee ururka Miwoga Yurub Susanne Martin ayaa sheegtay in labada maalin ee shirka uu socda ka qeyb galayaasha ay ka doodi doonaan qaabka loo horumarin karo waxbarashada dalka
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo fiirin lahaa heerarkii kala duwanaa ee Waxbarashada Soomaaliya ay soo martay iyo qorshaha loo dejiyay in lagu horumariyo.
Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya mudane Ciise Maxamed Axmed “Guraase’’ ayaa tilmaamay in u badka Soomaaliyeed ay xaq u leeyahay in ay helaan adeeg waxbarasho oo dhameystiran, Wasaaradduna ay ka shaqeyn doonto sidii arrintaasi loo heli lahaa.
Shirkan oo lagu wado in uu socdo muddo laba maalin ah ayaa lagu wadaa in gebo gabadiisa laga soo saaro dhowr qodob oo ku saabsan qorshaha horumarinta waxbarasho ee dalka.