Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaanbax Lagu Dalbanayay in Colaada Xaradheere La Joojiyo Oo Cadaado Lagu Qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbaxani Nabadeed oo ay soo abaabushay wasaarada arrimaha bulshada Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Ximan iyo Xeeb ayaa lagu dalbanayay in la joojiyo colaadda dadka walaalaha ah ku dhexmartay deegaanka Warshubo ee hoostagta degmada Xaradheer, iyadoo lagu xoojinayay dadaalada nabadeed.

Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Cadaado iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ayaa ka qayb galay banaanbaxa, waxaana cod dheer loogu baaqay bulshada Gobolada dhexe oo dhan inay u istaagaan xal ka gaaridda colaadaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Wasiirka arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo banaanbaxaasi ka hadlay  ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay sameynayaan talaabo walba oo ay awoodaan si looga hortago dagaal kale oo soo laabta.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa isna xusay in wadahadal dhinaca Taleefanka ah ay la sameeyeen Nabadoonada iyo waxgaradka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna ku balameen in si wada jir ah deegaanka Colaaddu ka dhacday loogu baxo si xal nabadeed loo gaaro.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa wafdi u dirtay deegaanka colaaddu ka dhacday si ay halkaas waan waan nabadeed kaga bilaabaan.

DSC00676 DSC00678 DSC00680 DSC00682 DSC00683 DSC00684 DSC00685 DSC00688 DSC00689 DSC00690 DSC00692 DSC00694 DSC00695 DSC00696

 

Previous Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In