Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa Maanta hortagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya, iyadoo Baarlamaanka ay ka hor aqriyeen arrimo la xiriira Wasaaradahooda.

Ajendayaasha maanta ee kalfadhiga Baarlamaanka ayaaahaa , Akhrinta Koowaad ee Miisaanaiyadda sanadka 2015, Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka, iyo  Akhrinta Koowaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ku Dilay Horjooge Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hor akhriyay Baarlamaanka: Akhrinta Koobaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisaayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka, Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay soo akhristaan qorshayaashaas kana doodaan kalfadhiyada soo socda.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanadeedka ee 2015.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa Xildhibaanada ka codsaday iney u diyaar garoobaan Shaqooyinka adage e horyaalla waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Fadhiyada Baarlamaanka ee soo socda.

Previous Post

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Oo u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed 

Next Post

Banaanbax Lagu Dalbanayay in Colaada Xaradheere La Joojiyo Oo Cadaado Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post

Banaanbax Lagu Dalbanayay in Colaada Xaradheere La Joojiyo Oo Cadaado Lagu Qabtay "Sawirro"

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ku Dilay Horjooge Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogahan oo...

Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga,...

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In