Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey, qeyb ka mid ahna ay weli ka socdaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyey sii haya wasiir ku xigeenka Duuliska iyo Hawada ee Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa ku bilaabay Terminal-ka cusub ee laga dhisay garoonka Aadan Cabdulle, kaas oo ay dhistay Shirkadda Favori ee dalka Turkiga laga leeyahay, madaxweynaha ayaa war-bixinno ku aaddan dhismaha Tirminaalkaas ka dhageystay Injineerrada howsha wada, isagoo u muujiyey Injineerrada iyo madaxda shirkadda Favori in dowladda Soomaaliya ay raali tahay horumarka dhanka dhismaha ah ee garoonka Muqdisho laga sameeyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlayey warbaahinta ayaa yiri, “waxaan aad u boggaadinayaa horumarrada dalka ka socda gaar ahaan dhismaha Terminaalkan cusub ee garoonka Muqdisho oo aan dhihi karo waxa uu tusaale cad u yahay horumarka ay dowladdu sameeysay, sidoo kale waxaan soo kormeerray dhammaan qeybaha Tirminaalkan oo ay ku jiraan dhammaan inta uu leeyahay garoonka diyaaradeed oo heer caalami ah, waana arrin lagu farxo”.
Sidoo kale madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in garoonkan uu la mid yahay kuwa caalamiga ah, masuuliyadda koowaadna saaran tahay Shacabka Soomaailyeed oo looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dhismaha, “waxaa uu garoonka leeyahay adeeg dhammeystiran, dhanka ammaanka ayaana aad u ammaanayaa sida looga shaqeeyey, ayuu hadalkiisa ku gabagabeeyey madaxweynaha Somalia.
Shirkadda garoonka Muqdisho dhiseysa ee laga leeyahay dalka Turkiga masuuliyiinteeda ayaa sheegay in muddo laba bilood gudahood uu si ramsi ah u howlgeli doona Terminal garoonka Muqdisho oo noqon doona mid wiji cusub u fura dhammaan horumarrada Somalia ka socda iyo kuwa ka dhici donna.