Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay Liiska  Shirkadaha ka qaybgalaya Codaynta Doorashadda rugta Ganacsiga  iyo Warshadaha Puntland iyo Shuruudaha ganacsatada u tartamaysa Guddoonka Rugta.

Maxamuud Faarax Bile,  Afhayeenka Guddiga Qabanqaabada Doorashada oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Rugta ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa sheegay in 111 Shirkadood ka soo xuleen Shirkadaha ka howlgala deegaamadda Puntland,kuwaasoo Xaq u yeeshay ka qaybgalka doorashadda Rugta.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026

Afhayeenku waxaa uu sheegay in 111  Shirkadood ee  la soo xulay  ay waafaqeen Qodobka Lr 7 oo ah Qodobka lagu asaasay Rugta Ganacsiga iyo Xeerkii Doorashooyinka Rugta oo la ansixiyay 30 Bishii November 2014”

“ Waxaanu go’aaminay in 111-ka Shirkadood ay xaq u yeesheen inay codeeyaan doorashada Guddoonka Rugta Ganacsiga Puntland, xulitaanka aanu xulnay, nin Jeclaysi kuma dhisnayn, wuxuu ku dhisnaa wixii ka waafaqay Qodobka Lr 7 iyo xeerka  doorashooyinka Rugta” ayuu yiri.

Maxamuud Waxaa kaloo xusay in Shirkadaha ka qaybgalaya Codaynta Doorashadda Rugta Ganacsiga,  laga doonayaa  in yimaadaan Rugta ganacsiga si ay iskaga arkaan Liiska la soo dhejiyayay,islamarkaana Shirkadii uu ka dhacay Laysanku ay u cusboonaysiistaan.

111 Shirkadood, Laga Bilaabo 13  ilaa 17 December  2014 Waxaa laga rabaa inay ku booqdaan xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha si ay iskaga arkaan Liiska la soo dhejiyay, islamarkaana cidii Laysanku uu ka dhacay ay u cusboonaysiistaan.

Shirkada Kasta Waxaa laga rabaa inay bixiso Lacag dhan $100

Shirkadii ka dib dhacda ama aan fulin Shuruudaha  Xaq u yeelan mayso inay Codayso, Waana la buuxinayaa Booskeeda

Geesta kale afhyeenku Waxaa uu sheegay in Ganacsadihii doonayaa inuu u tartamo Guddoomiyaha  iyo K/xigeenka Rugta Ganacsiga  Laga bilaabo maalinta Beri ah oo ku beegan 13 December 2014 uu yimaado Xarunta Ganacsiga Puntland oo uu buuxiyo shuuradaha  u tartamaha doorashadda Rugta Ganacsiga.

1 U tartamaha Guddoomiyaha iyo K/xigeenka Rugta Ganacsiga  Laga bilaabo 13 Dec ilaa 20 Dec 2014 waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo taariikh nololeedkiisa, codsi,laba sawir oo nooca Passport-ka.

2.U Tartamaha Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland  Waaa in uu Bixiyaa $2500

3.U Tartamaha Guddoomiye  K/xigeenka  Rugta Ganacsiga Puntland  Waaa in uu Bixiyaa $1500

  1. U tartamaha aan xiligaas ku soo gudbin Documentigiisa oo ay ku lifaaqanyihiin Labo Sawir ma Noqonayo mid xaq u yeesha inuu Tartamo

Doorashadda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  oo la filayo inay dhacdo 25 Bishan December 2014, Waxayna ka dhici doontaa Magaalada Bosaaso, Waxaana ka qaybgali doonaa Ganacsatadda Reer Puntland ee ka shaqaysta Goboladda Dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan oo maanta gaaray Xudur

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In