Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta daah furay olalaha dariseynta degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoo isla maanta uu ka bilowday degmada Waaberi.
Munaasabad lagu daah furayay howlaha dariseynta degmooyinka Gobolka Benaadir, isla markaana lagu tira koobayo dadka ku nool xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Maamulka gobolka Benaadir, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo xubno kale kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Waaberi.
Cabdixakiin Maxamed Haaddi oo ah Madaxa dariseynta Maamulka Gobolka Benaadir ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu wax weyn ka tari doono xagga amniga, isla markaana uu yahay mid lagu ogaanayo dadka ku nool dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Muumin Axmed oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in degmadiisu ay nasiib u yeelatay in maanta howlaha Dariseynta laga bilaabo.
Taliyaha qeybta booliska Gobolka Benaadir Sareeyo Guuto Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in u jeedka howlaha uu yahay xasilinta amniga, isagoo xusay in maamulka gobolka ay kala shaqeynayaan hirgelinta howlaha dariseynta.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furay howlaha dariseynta, isla markaana tirikoobkii ugu horeeyay ka sameeyay guri ku yaalla degmada Waaberi ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan sidii howlahan loo hirgelin lahaa, maadaama ay qeyb lixaadleh ka qaadaneyso sugidda amniga magaalo madaxda dalka
Ololahaan ayaa ah wejigii labaad , iyadoo wajigii koowaad uu daah furay guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan