Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Deriseynta oo laga bilaabay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 14, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta daah furay olalaha dariseynta degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoo isla maanta uu ka bilowday degmada Waaberi.

Munaasabad lagu daah furayay howlaha dariseynta degmooyinka Gobolka Benaadir, isla markaana lagu tira koobayo dadka ku nool xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Maamulka gobolka Benaadir, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo xubno kale kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Waaberi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Cabdixakiin Maxamed Haaddi oo ah Madaxa dariseynta Maamulka Gobolka Benaadir ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu wax weyn ka tari doono xagga amniga, isla markaana uu yahay mid lagu ogaanayo dadka ku nool dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Muumin Axmed oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in degmadiisu ay nasiib u yeelatay in maanta howlaha Dariseynta laga bilaabo.

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Benaadir Sareeyo Guuto Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in u jeedka howlaha uu yahay xasilinta amniga, isagoo xusay in maamulka gobolka ay kala shaqeynayaan hirgelinta howlaha dariseynta.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furay howlaha dariseynta, isla markaana tirikoobkii ugu horeeyay ka sameeyay guri ku yaalla degmada Waaberi ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan sidii howlahan loo hirgelin lahaa, maadaama ay qeyb lixaadleh ka qaadaneyso sugidda amniga magaalo madaxda dalka

Ololahaan ayaa ah wejigii labaad , iyadoo wajigii koowaad uu daah furay guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir mudane  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

DSCF9892 DSCF9806 DSCF9810 DSCF9826 DSCF9824 DSCF9820 DSCF9819 DSCF9813 DSCF9811 DSCF9828 DSCF9830 DSCF9832 DSCF9833 DSCF9835 DSCF9839 DSCF9879 DSCF9878 DSCF9855 DSCF9853 DSCF9847 DSCF9840 DSCF9881 DSCF9883 DSCF9888
DSCF9894 DSCF9917Sawir Qaade:- Jabiiba

 

 

Previous Post

Arday baratay cilmiga saxaafadda oo shahaadooyin la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In