Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Tageerayay Ra’iisu l wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Oo lagu Qabtay Galkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 18, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu tageerayay magacaabista raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta lagu qabtay hotelka embassy ee Magaalada Galkacyo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Munaasabada lagu tagerayay raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug waxgarad aqoon yahano ururada haweenka iyo dhalinyarada dowlad Gobaleedka Galmudug.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025

Duqa Dagmada Galkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Bile diini Cali ayaa ugu horeeyn munaasabada ka hadlay waxaana uu sheegay in isagoo ku hadlay magaca shacabka magaalada Galkacyo ayaa soo dhaweeynayaan magacaabista raysal wasaaraha cusub ee dalka mudane Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke sidoo kalana alle ay uga baryayaan in xilka loo igmaday uu la garab galo.

Ugaas Maxamed Cabdi Xareed oo isna ku hadlayay magaca golaha dhaqanka Galmudug ayaa sheegay hadeey yihiin golaha odayaasha dhaqanka ee dowlad Gobaleedka Galmudug ay si weyn usoo dhaweeynayaan in madaxweynaha soomaaliya uu u magacaabo mudane Cumar C/rashiid raysal wasaaraha Dalka.

Munaasabada lagu soo dhaweeynayay mudane Cumar C/rashiid raysal wasaaraha cusub ee Dalka oo qaatay muddo saacadaa ayaa dhamaan bulshadii ka hadashay waxa ay si isku mid ah ugu dhawaaqeen in ay tageersan yihiin in markii labaad uu dalka ka noqdo raysal wasaare mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ugu danbeeyna Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in dowlad gobaleedka Galmudug iyo Shacabkiisuba ay si weyn u soo dhaweeynayaan in madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabo in uu noqdo raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumara C/rashiid Cali sharmaarke.

Madaxweyne Qeybdiid ayaa gunaanadkiina sheegay in aan loo baahneeyn khilaaf joogtaa kasoo oo tilmaamay inuu yahay midka ragaadiyay horumarka umadda soomaaliyeed ay ku hamineeyso in ay gaaraan mustaqbalka dhaw.

Munaasabadaan lagu tageerayay raysal wasaaraha cusub ee dalka mudane Cumar C/rashiid Cali sharmaake y ayaa kusoo gaba gaboowday jawi farxadeed iyadoona laga dheehanayay dhamaan bulshadii ka qeyb gashay wajiyadooda sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu raysal wasaaraha cusub ee dalka u magacaabo mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isagu horay usoo qabtay xilka raysal wasaaraha xiligii dowladii Kmg aheyd ee uu hogaaminayay mudane sheekh Shariif Sheekh Axmed.

DSC01578 DSC01582 DSC01587 DSC01604 DSC01607 DSC01609 DSC01610 DSC01612 DSC01614 DSC01621 DSC01623 DSC01624 DSC01632 DSC01633 DSC01636 DSC01637 DSC01649 DSC01650 DSC01655 DSC01659 DSC01661

C/risaaq Maxamed Axmed Xafiiska Warqabadka

warbaahinta qaranka ee Galkacyo

Previous Post

R.Wasaaraha Magacaaban Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In