Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Tageerayay Ra’iisu l wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Oo lagu Qabtay Galkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu tageerayay magacaabista raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta lagu qabtay hotelka embassy ee Magaalada Galkacyo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Munaasabada lagu tagerayay raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug waxgarad aqoon yahano ururada haweenka iyo dhalinyarada dowlad Gobaleedka Galmudug.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Duqa Dagmada Galkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Bile diini Cali ayaa ugu horeeyn munaasabada ka hadlay waxaana uu sheegay in isagoo ku hadlay magaca shacabka magaalada Galkacyo ayaa soo dhaweeynayaan magacaabista raysal wasaaraha cusub ee dalka mudane Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke sidoo kalana alle ay uga baryayaan in xilka loo igmaday uu la garab galo.

Ugaas Maxamed Cabdi Xareed oo isna ku hadlayay magaca golaha dhaqanka Galmudug ayaa sheegay hadeey yihiin golaha odayaasha dhaqanka ee dowlad Gobaleedka Galmudug ay si weyn usoo dhaweeynayaan in madaxweynaha soomaaliya uu u magacaabo mudane Cumar C/rashiid raysal wasaaraha Dalka.

Munaasabada lagu soo dhaweeynayay mudane Cumar C/rashiid raysal wasaaraha cusub ee Dalka oo qaatay muddo saacadaa ayaa dhamaan bulshadii ka hadashay waxa ay si isku mid ah ugu dhawaaqeen in ay tageersan yihiin in markii labaad uu dalka ka noqdo raysal wasaare mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ugu danbeeyna Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in dowlad gobaleedka Galmudug iyo Shacabkiisuba ay si weyn u soo dhaweeynayaan in madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabo in uu noqdo raysal wasaaraha cusub ee Dalka Mudane Cumara C/rashiid Cali sharmaarke.

Madaxweyne Qeybdiid ayaa gunaanadkiina sheegay in aan loo baahneeyn khilaaf joogtaa kasoo oo tilmaamay inuu yahay midka ragaadiyay horumarka umadda soomaaliyeed ay ku hamineeyso in ay gaaraan mustaqbalka dhaw.

Munaasabadaan lagu tageerayay raysal wasaaraha cusub ee dalka mudane Cumar C/rashiid Cali sharmaake y ayaa kusoo gaba gaboowday jawi farxadeed iyadoona laga dheehanayay dhamaan bulshadii ka qeyb gashay wajiyadooda sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu raysal wasaaraha cusub ee dalka u magacaabo mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isagu horay usoo qabtay xilka raysal wasaaraha xiligii dowladii Kmg aheyd ee uu hogaaminayay mudane sheekh Shariif Sheekh Axmed.

DSC01578 DSC01582 DSC01587 DSC01604 DSC01607 DSC01609 DSC01610 DSC01612 DSC01614 DSC01621 DSC01623 DSC01624 DSC01632 DSC01633 DSC01636 DSC01637 DSC01649 DSC01650 DSC01655 DSC01659 DSC01661

C/risaaq Maxamed Axmed Xafiiska Warqabadka

warbaahinta qaranka ee Galkacyo

Previous Post

R.Wasaaraha Magacaaban Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In