Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo ceshatay Xubinnimadii Machadka Qorsheynta Carabta ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Machadka Qorsheynta ee wadamada carabta ee Dalkan Kuwait ayaa waxaa lagu qabtey xaflad soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayay ka mid noqashada Machadka ay xubin buuxda uga noqotay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Qorsheynta Carabta oo Xaruntiisa tahay Caasimadda Dalka Kuwait.

Munaasabadaas oo Dhanka Soomaaliya uga qayb galay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo Diplumaasiyiinta Safaaradda, iyadoo dhanka Dowladda Kuwait uga soo qayb galeen Xafladaas Wasiirada Shaqada iyo Qorsheynta iyo Horumarinta Dalka Kuwait iyo Madax kale oo ka socotay Dalka Kuwait.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Dib u soo celinta xubinmadda Soomaaliya ee machadkan ayaa waxaa dadaal dheer oo waqti badan qaatey u galayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiirada Wadamada Carabta u fadhiya Kuwait Amb.C/qaadir Amiin Sheekh.

Amb.C/qaadir oo ka hadley madasha Xaflada ayaa u mahadceliyey madaxda machadkan iyo dowlada kuwait sida ay mar walaba Soomaaliya isku garab istaagaan wuxuuna sheegay in aad ugu faraxsanyihiin in ay Soomaaliya xubin buuxdo ka noqoto Machadkan oo qeyb weyn ka ah isku xirka iyo iskaashiga wadamadda carabta.

Machadkan ayaa wadammada carabta ka taageera dhanka tababaradda shaaqalaha iyo soo saarista hawlwadeeno hawlkar ah.

Safiir Cabdulqaadir oo ka hadlaya arrinkaas ayaa yiri “waxaan aad u rajeyneynaa in uu machadkan qeyb lixaad ah ka qaato kaalintiisa kaga aadan horumarinta shaqaalaha Dowlada Soomaaliya waxaana sugeynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo bilaabo tababaradaas”

Waxaa xusid mudan in sidoo kale Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabouti ay ku soo biirtey machadkan.

Machadka Qorsheynta Carabta ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii markuu ahaa 1980, waxa uuna ka shaqeeyaa ka taageeridda Wadamada Carabta dhanka Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Arrimaha  Bulshada.

1 IMG_4690 IMG_4690[1] IMG_4693 IMG_4694 IMG_4696 IMG_4703 IMG_4725

Previous Post

Arday Soomaali ah oo Qeyb ka Ahaa Arday Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Kenyatta ee Nairobi:-MUUQAAL+ Sawirro

Next Post

Sanad guurada 71 aad ee Boliiska Soomaaliya oo maanta laga xusay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka

Next Post

Sanad guurada 71 aad ee Boliiska Soomaaliya oo maanta laga xusay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In