Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Malta oo wali wada baaritaanka meydka gabar Soomaali ah oo ku geeriyootey dalkaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

gudonGuddoon Cabdulaahi Xasan waxay ahayd gabar yar oo muhaajir ah, dadeeduna 18-jir oo ah muwaadin Soomaali ah, waxay ku geeriyootey Jaziiradda Malta 6-dii bishan December ee 2014, kaddib markii ay kasoo dhacday dhismaha afaraad ee guri dabaq ah oo ay daganayd kuna yaaley xaafada Marsaskala.

Guddoon waxay timid Malta 28-ka bishii August ee sanadkii 2013 waxayna la socotay doon ay saarnaayeen in kabadan 125 qof oo muhaajiriin ah, kaddib safar badda ah oo qaatay afar maalin, markii ay timid Malta waxaa la geeyey iyada iyo muhaajiriintii kale ee ay la socotay xabsiga xiran ee Detention –ka waxayna ku jirtay halkaasi mudo afar bilood ah waxayna la kulantay wareer iyo murugo intii ay ku jirtay Detenshinka.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Guddoon xiligaasi waxay jirtay 17-sano mana aysan qaan gaarin marka loo fiiriyo sharciga dalka Malta, markii ay heshey xuriyadeeda waxaa la geeyey xero ay kunoolyihiin gabdho aan qaan gaarin oo ku dhexyaal xirada qaxootiga ee Hal-far.

Saddex bilood kaddib markii ay gaartay da’da qaan gaarka ee 18-jirka ee marka loo eego kan Dalka Malta waxay codsatay qaabilaad magan gelyonimo in ay hesho waxaana waraysi la yeehsey guddiga qaxootiga Malta kadib waxaa la siiyey sharci ay ku joogta dalka oo aan dhamaystirneen, waxaana loo ogolaaday in ay ka guuri karto kaamkii ay daganayd oo ay ku biiri karto saaxiibadeeda si ay ula wadaagto guri ay wada kiraysanayeen oo ku yaala xaafada Marsaskala ee jaziiraddani Malta.

Guddoon waxay kasoo jeedaa qoys faqiir ah, aabaheedna wuxuu dhintay 2013-kii geerida aabaheed kaddib waxay isaga soo tagtay Soomaaliya, bishii September ee sanadkan 2014-kana waxaa geeriyootay walaasheed iyada ka yar, waxaana la dhashay Gudoon 7-caruur ah oo iyadu ka yar yar, qoyskeedu waxay kasugayaa caawimaad, lacagta ay kusoo gashay safarka tahriibtana waxaa soo amaahday hooyadeed oo isla hayd waxaad iska bixin doontaan lacagta deenta marka ay gabadhiina idin soo shaqayso.

Nasiib wanaag ma aysan rumoowin riyadii Gudoon hooyadeed maxaa yeeley way geeriyootey gabadheeda, hadda Guddoon hooyadeed waxay kujirtaa cisbitaal waxaana lasoo darsay xanuun markii ay maqashay in gabadheedu ay ku geeriyootay.

Asxaabtii ay la nooleyd Gudoon waxay noo sheegeen in ay u sababeynayaan geerideeda xaalado adag oo dhanka nolasha ah iyo niyad jab lasoo darsay iyada sidoo kalena waxay xuseen dhalinyaradu in ay xanuunsan jirtay, taasoo sabab u noqon karta in ay kasoo dhacdo dabaqa afaraad ee ay daganayd.

Meydka Guddoon wali lama aasin oo wuxuu kujiraa talaagada cisbitaalka Mater Dei ee caasimada Valletta, shacabka Soomaaliyeed ee kunool Malta waxay iska aruuriyeen lacago qaaraan ah si loo aaso meydka gabadhani laakiin waxaa wali baaritaano ku aadan waxa sababay geerida gabadhani wada booliiska, iyadoo aan wali la ogayn sababta dhabta ah ee ay kaga soo dhaacday Gudoon dabaq afaraad ee gurigii ay daganayd.

 

By: Ahmed Somali.


 

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko oo xusay aas aaska ciidanka booliska

Next Post

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko oo xusay aas aaska ciidanka booliska

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In