Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko oo xusay aas aaska ciidanka booliska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko ayaa maanta u dabaal degay sanad guurada 71aad ee aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 20 bisha December.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka taraafikada ayaa waxaa ka qayb galay taliyaha qaybta nabad gelyada waddooyinka, saraakiil iyo marti sharaf kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Taliyaha qaybta nabad gelyada wadooyinka ee gobolka Benaadir Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” ayaa saraakiisha ugu hambalyeeyay xuska maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, isagoo ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka ciidanka booliska gaar ahaan kuwa nabad gelyada waddooyinka.

“Waxaan dhamaan hambalyo u dirayaa saraakiisha iyo madaxda ciidanka booliska Soomaaliya iyo inta la shaqeysa  oo ku aadan aas aaska maalintan qiimaha badan ee ku beegan sanad guurada ciidanka booliska” ayuu yiri Cali gaab.

Sidoo kale intii ay socotay munaasabadda ayaa  waxaa Shahaadooyin lagu doonsiiyay qaar ka mid ah ciidanka nabad galyada wadooyinka.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa la aas aasay 20kii December sanadkii 1943  iyadoo maanta si weyn looga xusay guud ahaan dalka 71 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska.

 

 

Previous Post

Booliiska Malta oo wali wada baaritaanka meydka gabar Soomaali ah oo ku geeriyootey dalkaasi

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo liiska cunaqabateynta 1844 loooga saarayey Sheekh Atom

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo liiska cunaqabateynta 1844 loooga saarayey Sheekh Atom

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In