Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo liiska cunaqabateynta 1844 loooga saarayey Sheekh Atom

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 20 December 2014 – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysey go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo ay liiska cunaqabateynta 1844 ay uga saareen hoggaamiyahii hore ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Saciid “ATOM” oo horey u shaaciyey inuu nabada qaatay.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuhulow, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. ”

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

DFS waxey fahamsantahay in Soomaali badan ay Al-Shabaab u raaceen dhaqaale iyo sababo kale. Haddase waxaa cad in DFS ay dadkaas u heyso fursad oo ay caalamka ugu ololeyn karto xoriyadooda. Shaqsi walba oo doonaya inuu qoriga iska dhigo oo nabad qaato waa la soo dhoweynayaa, tanoo ah ballan qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa horey cafis ugu fidiyey shaqsiyaadka doonaya inay nabadda qaataan. Sheekh Atom waxuu qaatay nabad, haddana waan u jeednaa faa’iidada nabadda oo maanta waa nin xor ah. Atom waxuu ballanqaaday inuu sii xoojinayo nabada oo uu doonayo inuu tusaale fiican u noqdo shaqsiyaadka weli xubnaha ka ah kooxda Al-Shabaab ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan oo nabadda ay qaataan. Atom ayaa horey u yiri ‘Waddada aan doortay waa midda Nabadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka Atom oo uu ku doonayo inuu ku caawiyo Soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed. DFS waxey u mahadcelineysaa QM iyo waddamada caalamka ee gacanta ka geystey arrinkan, oo oggolaaday codsigii dowladda ee ahaa in muwaadinkeeda laga saaro liiska cunaqabateynta.

DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka. Cid ku guuleysan karta ama ujeedooyinkooda ku gaari karta dagaal ma jirto, oo dagaalku waxuu dhaliyaaa dagaal, oo dagaal xal uma noqon karo caqabadaha na heysta. Waxaan rabnaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa dalkooda wax u tara oo anfaca, waxaana dooneynaa inaan dhalinyarada u abuurno fursado shaqo, waxbarasho, xirfado ay ku shaqeystaan, iyo inaan awood u siino sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo inay aayahooda ka tashadaan.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey: “Dowladdu waxey sii wadeysaa inay taageerto shaqsiyaadka nabadda qaata oo dagaalada iska daaya. Waa dhici kartaa in shaqsiga ay ku adkaato, hase yeeshee cidii qiratay danbigooda waxey helayaan fursad lagula hadlo oo nabadeyntu ay ku hirgasho. Haddii kale waddada aan nabada aheyn waa midda dalka ku sii siyaadineysa rabshadaha. Soomaaliya waxaa iska leh Soomaalida doorbida nabadda iyo ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka. Dowladdu aad bey kuu soo dhoweyneysaa. Diinta Islaamku waa diin nabadeed oo dhammaanteen waxaa nalaga doonayaa inaan kor u qaadno oo weyneyno diinteena nabadda ah.”

DHAMAAD, Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]

Previous Post

Taliska Nabad gelyada Waddooyinka ee taraafiko oo xusay aas aaska ciidanka booliska

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In