Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii-hayaha Ra’isul wasaaraha  oo kulan sagootin ah loo sameeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

sagotin

Sii-hayaha xilka Ra’isalwasaaraha Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiska waxaa uu kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee shaqaalaha xafiiska Ra’isulwasaaraha kaas oo ku saabsanaa sagootin Ra’isalwasaare C/weli loo sameynayay iyo mudada xilka uu hayay wada shaqeyntii dhex martay shaqaalaha xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025

Mudada kulanka ay kas oo qeyb galeen dhamaan shaqaalaha xafiiska Ra’isalwasaaraha iyo sidoo kale la taliyaasha sii-hayaha Ra’isalwasaaraha  ayaa mudada uu socday waxaa warbixino kala duwan laga dhageystay Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed sii hayaha xilka Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha xafiiskiisa ka howlgala ay dadaal wada bixiyeen isla markaana kaalin weyn ka qaateen horumarinta howlaha xafiiska uu shacabka Soomaaliyeed uu hayo.

Sidoo kale sii-hayaha xilka Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaramay shaqaalaha xafiiska Ra’isalwasaaaraha in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ra’isalwasaaraha cusub ee imaan doona maadaama shaqada la qabanayo loo hayo dadka iyo dalka.

Ugu dambeyn mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay waajibka muwaadin walba oo Soomaali ah ka saran ka shaqeyn horumarka iyo midnimada dalkiisa iyo sida laga maarmaan ay u tahay in laga wada shaqeeyo gaarsiinta dalka halka uu hiigsanayo.

“Waxaa imaan doona Ra’isulwasaare cusub shaqada waa ay ku cusub, waxaana u malaynaya in uu yahay shakhsi aad wada taqaanaan, waa nin walaalkeena ah waa nin waaya arag ah waxaana rajaynayaa in shaqada uu wax badan ku soo kordhin doono” ayuu yir Mudane Cabduweli

 

 

Previous Post

Akhriso Wargeyska Dalka Caddadkiisii Todobaadkan

Next Post

Tilmaamaha Khawaarijta Dhageyso

Next Post

Tilmaamaha Khawaarijta Dhageyso

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In