Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xooga Dalka oo Maanta Raashin Gargaar ah Gaarsiinaya Degmada Buulo burte Ee G/Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Xooga Dalka Soomalaiyeed ay Saaka isku diyaarinayaan in Gawaari Sidda Raashin gar gaar ah oo Dhawaanahaanba ku Xayirnaa Degmada jalalaqsi Ee Gobolkaasi ay gaarsiiyaan Degmada Buulo Burte Ee Gobolka Hiiraan Halkaas oo laguw ado in Dad Danyar ah loogu qaybiyo.

Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM Ee ka gacansiinaya La Dagaalanka Argagixisada Al shabaab ayaa shalay waxaa ay cagta mariyeeen Degaano u dhaxeeeya Jalalaqsi iyo Buurweyn oo Hiiraan ka wada tirsan Iyadoo Halkaas horay Jidgooyooyin ay dadka ku dhibaateeeyaan ay ku lahaayeen Maleyshiyaad Argagixisada ka tirsan Iyadoo xalay Buurweyn ay ku hoydeen Ciidanka Xooga Dalka Halkaas oo ay saaka ka Dhaqaaqayaan.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Ciidankaas la socda ayaa soo sheegaya in Ciidanka Xooga oo uu Hogaaminayo Gen Maxamuud Maxamed Xasan {Qaafow} ay Goordhaw ka dhaqaaqi Doonaan Degaankaas iyadoo Kooxda Argagixisada ahna laga sifeeyay Wadada isku xirta Buulo Burte iyo jalalaqsi si nabadgalyo ahna uu Raashinkaasi u gaari doono Halkii loogu talo galay.

Dowladda Somalia ayaa Horay Dhowr mar sidaan oo kale waxaa ay Raashin gar gaar ah oo ay Dowladu ugu talo gashay in Dadkii ay dhibaatada u geesatay Kooxda Al shabaab la siiyo ay gaarsiisay Qaar ka mid ah Goobihii laga sifeeeyay Kooxda iyadoo  ay Goboladaas ka mid yihiin Shabelaha hoose Gedo Hiiraan iyo kuwa kale waana Waajibaad saaran Dowladda Soomaaliya in Shacabka Cadawga laga Dulqaado.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Maanta Booqanaya Isbitaalka Baydhabo

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Maanta Booqanaya Isbitaalka Baydhabo

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In