Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshey Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar Al Sheikh Ahmad al Tayyib.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Imaamka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkeedii ay ku lahayd Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Imaamka Al Azhar, Al Sheikh Ahmad al Tayyib, ayaa sheegay in Azhar diyaar u tahay inay gacan ka siiso Soomaaliya dhinacyada barashada diinta iyo culuunta kale ee maaddiga ah sida caafimaadka, sayniska iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Azhar baal dahab ah ay ka gashay taariikhda Soomaaliya, shacabkuna ay tabayaan macalimiintii, imaamyadii iyo khubaradii Azhar ee ka hawlgeli jirey dalka.

IB0A9536

“Waa hubaal in Azhar oo si buuxda ugu soo laabata waddanka ay keeni karto in la soo afjaro jahwareerka xagga diinta ee dadkeenna ku dhacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, si meesha looga saaro fikradaha qaldan ee shacabkeena kala geynaya. Waxaan nahay shacab Muslim ah, diinta islaamkuna waa diin nabadeed”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaamka Al Azhar ayaa ku boorriyey Soomaalidu in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda dalkooda, shacabkoodana ay u horseedaan nabad buuxda, sida diinta Islaamku ay qabto.

Kulanka waxaa kale oo ka hadley Wasiirrada Caddaaladda iyo Tacliinta Sare
ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.

Dhammaad

Previous Post

RW Sharma’arke: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏

Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa si weyn oo buuxda u xaqiijisay garab istaagkeeda midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda...

Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Mareykanka oo shaaciyey inaysan waxba iska badalin siyaasaddeeda Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay...

Magaalooyinka Dalka oo si weyn looga dhigay dibad baxyo ka dhan ah Israiil

Magaalooyinka Dalka oo si weyn looga dhigay dibad baxyo ka dhan ah Israiil

December 30, 2025
0

Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Israa’iil  ay ku...

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In