Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afar qof oo ku dhimatay gaari ku qarxay wadada Afisyooni iyo faah-faahinno ka soo baxay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Afar qof oo ku dhimatay gaari ku qarxay wadada Afisyooni iyo faah-faahinno ka soo baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gaariga ay maanta oo idil ku  raad-joogeen hey’adaha ammaanka dowladda oo la sheegay in uu geysan doono weerar argagixiso, ayaa qarxay kaddib markii ay ogaadeen ciidammadu gaarigaasi nooca uu yahay, iyadoo uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh xili uu ka cararayey ciidammada ammaanka oo ceyrsanayey.

Gaariga oo noociisu ahaa Noha, ayeey hey’adaha ammaanka dowladda feejignaan dheeri ah ka muujinayeen maanta oo idil, ayaa isku dayey markii la oggaadey in uu baxsado isagoo doonayey in uu ku baxsado dhanka wadada Afisyooni ee degmada Waaberi, waxa uuna si qaldan ugu dhacay isaga oo cararraya gaari ay saarnaayeen dad rayid, halkaasoo  uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusus Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay oo yiri “Ciidammada waa ay qaban lahaayeen gaariga hasa yeeshee markii maray waddo qaldan ayuu ku dhacay gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen, arrintaas ayaa dhallisay dhimashada Afar qof iyo dhaawaca dadka kale oo Isbitaallada loo qaaday, waxaan aad uga xunnahay dhibaatadaasi dhacdey oo ay ciidamada ammaanka suuragaliyeen in ay joojiyaan khasaaraha oo haddii uu gaariga meesha uu doono tagi lahaa uu geysan lahaa”.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in hey’adaha Sirdoonka ay macluumaadka la xiriira gaarigaasi argagixisadu doonayeen in ay weerarka ku geystaan ay ogaayeen hasa yeeshee ciidammadu dadaal badan kaddib ay ogaadeen nooca gaariga iyo meelaha uu ku soo wajahan yahay, hey’adaha ammaanka dadaalkooda ku aaddan in laga hortago dhagar-qabayaasha waa ay sii wadi doonaan oo waxaan codsaneynaa in shacbiga ay gacan naga siiyaan arrintaasi, ayuu yiri Afhayeenka.

 

Previous Post

Degmada Kuntuwaarey oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In