Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka qeyb galay xafladd xilka loogu wareejinayey Gudoonka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa ku booriyay in ay horumariyaan ganacsiga deegaannada Maamulka Puntland.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Golaha wakiilada Maamulka Puntland, Ganacsato, Isimo , Waxgarad, culimo’udiin iyo marti sharaf kala duwan.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, isagoo ku booriyey in ay dadaal dheer u galaan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan Ganacsiga deegaannada Puntland.

“Waxaanu u baahanahay inaanu isbadalno, adduunku maanta meesha uu marayo iyo waxa aan konton sano kahor aynu samaynjirnay inaan weli suubinayno isma qabanayso, horumarka aanu rabnana magaarayno, marka halagu dadaalo horumarinta ganacsiga” ayuu yiri Dr Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay la jaan qaadaan ganacsatada adduunka, waxaana uu tusaale u soo qaatay jidadka wadamada horumaray in ay dhisaan shirkado ay leeyihiin ganacsato, iyagoo aan wax mashruuca ku qaadan, balse markii ay dhameeyaan ay dib lacagta ka gashay uga qaadaan gawaarida isticmaasha waddooyinkaasi.

“Culimadu nagu diidi maayaane sakada aad sanadka bixisaan dawladda ku taageera, bal aan tijaabino halsano sakadeed aan garoon diyaradeed keliya ku dhisano, maxaa inoo diidaya mise cid gaar ah ayaa la siiya sakada” ayuu hadalka raaciyey Dr Gaas.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee ay kula jiraan burcad diimeedka Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo guulo waaweyn ay ka soo hoyeen ciidanka Puntland.
IMG_6599

IMG_6605

IMG_6615

IMG_6619

IMG_6622

IMG_6627

IMG_6630

IMG_6640

IMG_6642

IMG_6649

IMG_6654

IMG_6658

IMG_6661

IMG_6674

IMG_6682

IMG_6683

IMG_6686

IMG_6688

IMG_6703

IMG_6709

IMG_6715

IMG_6721

IMG_6728

IMG_6737

IMG_6748

IMG_6756

IMG_6763

IMG_6784

Previous Post

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In