Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Boosaaso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 11, 2015
in Wararka
0
Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Boosaaso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafado ka mid ah magaaladaasi, kaddib markii xalay bom gacmeed lagu tuuray saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Howlgallada ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada ay mid mid u galayeen guryaha, waxaana ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo ay saraakiisha ciidanka ku sheegeen in ay ku socoto baaritaanno dheer ah oo lagu kala saarayo kuwa la shaqeeya argagixisada Shabaab iyo kuwa kale.

Related posts

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

August 17, 2025
Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025

Bomgacmeedka lagu weeraray Saldhiga booliska ee Boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari, halka qofka labaad uu ahaa shacab goobta ka agdhawaa, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad la sheegay inay soo hagaageyso.

Howlgalladan ay ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaaladaasi ayaa imaanaya xilli ciidanka ay xoog kaga saareen Buuraleyda Galgala maleeshiyaadka Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay, kuwaasi oo firxad kooda laga cabsi qabo inay galaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Previous Post

Bulshada Gobolada dhexe oo loogu baaqay dib u dhiska xarumaha danta guud

Next Post

Arsenal oo Ka Adkaatay Kooxda Stoke City “SAWIRRO”

Next Post
Arsenal oo Ka Adkaatay Kooxda Stoke City “SAWIRRO”

Arsenal oo Ka Adkaatay Kooxda Stoke City “SAWIRRO”

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In