Munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan lix boqol oo arday oo wax ka baratay jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayadoo ay ka qeyb galeen guddiga sare ee jaamacadda(Board of trustee), waalidiin iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee arrimaha horumarinta Daahir Xasan Carab ayaa furay munaasabadda, isagoo tilmaamay in ardaydu ay ka qalin jabiyeen saddex kulliyad oo kala ah, Dhaqaalaha iyo Cilmiga Bulshada, Ganacsiga iyo xisaabaadka iyo culuumta Kumbuyuutarrada iyo teknoolajiyada.
Cabdullaahi Cumar Saalax oo ka mid ah macallimiintii lagu aasaasay jaamacadda 15sano ka hor walina ku sugan ayaa ardayda kula dardaarmay inay dhaqan galiyaan cilmigii la baray โCabsi kama qabno waxa aan idin barnay iyo tayadiina, laakin waxaan idinka fileynaa inaad dabaqdaan(dhaqan galisaan) waxa ay SIMADย idin bartayโ ayuu yiri Ustaad Cabdullaahi oo amaanay ardaydii horay uga qalin jabisay jaamacadda oo shaqoyin wanaagsan ka haya hayโadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Cabdirasaaq Maxamed Axmed madaxa operation-ka ee Premier Bank oo taabba galiyay xafladdaan ayaa u hambalyeeyay ardaydayda qalin jabisay, isagoo tilmaamay in bangigoodu uu taageerayo waxbarashada. โWaxaa tusaale u ah inaan taageereyno waxbarashada ardaydan qalin jabinaysa ee halkaan fadhisa qaarkood ayaa ka shaqo bilaabay Bangiga, kaddib markii ay ku guuleysteen tartan dhex maray in ka badan afar boqol oo shaqo doon ah oo ka kasoo qalin jebiyayย jaamcadaha kala duwan ee dalkaโ ayuu yiri.
Sheekh Maxamed Qamiis oo ah guddomiye ku xigeenka guddiga sare ee jaamacadda SIMAD ayaa tilmaamay in wakaaladda Muslimiinta Afrika ay 20 sano ka hor ay billowday inay caawisoย dadka ayadoo isla markaana la xoojinayo waxbarashada si dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada uga baxaan, wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadaalkii ay ku bixiyeen in la helo waxbarasho aasaasi ah iyo mid jaamacadeed.
โWaxaan billownay dugsiga sare ee Axmed Gureey, ardaydii ka qalin jabisay ayaan is waydiinay halka ay aadayaan, waxaan garannay inay muhiim tahay in la helo waxbarasho sare, talo wadaag kaddib, waxaan garannay inaan dhisno machadkii SIMADย oo lagu baranayay maamulka iyo xisaabaadka, machadkaasi waa jaamacadda SIMADย ee mantaโ ayuu yiri Sheekh Qamiis.
Guddoomiyaha jaamacadda SIMADย Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen โOdowaaโ ayaa soo dhaweeyay in guddiga sare ee jaamacadda (Board of trustee) ay ka soo qeyb galaan munaasabadda qalin jabinta ah, wuxuu tilmaamay in 620 (lix boqol iyo labaatan) arday ay ka qalin jabinayaan jaamacadda.
Ardayda qalin jabisay ayuu kula dardaarmay inay danta guud ka shaqeeyaan oo ay ka hormariyaan tooda gaar ahaaneed โWaxaan idinkula dardaarmayaa inaad danta guud ka shaeqysaan oo aad ka hormarisaan dantiina gaarka ah, marka waddooyinka la dhiso, caafimaadka la hormariyo, korontada la wanaajiyo adinkuna waad wanaagsanaaneysaan, laakin haddaad ka fikirtid dantaada gaarka ah waad ku imtixaanan tahayโ ayuu yiri guddoomiye Odawaa.
Guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda SIMADย (Board of trustee) ayaa u hambalyeeyay dufcadda 10aad ee ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, wuxuu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in hayโadda DirectAid ay maamusho SIMAD.
Kulliyad kasta ardayga ugu darajada sareeyay ayaa la guddoonsiiyay abaal marinno ayadoo sidoo kale la abaal mariyay saddexdii gabdhood ee ugu darajada sarreysay dhammaan gabdhaha ka qalin jabiyay jaamacadda.













