Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka Qeybgalayaasha Shirkii Ka Socday Rwanda Oo Booqanaya Meelaha Taariikhiga Ah Ee Dalkaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ka Qeybgalayaasha Shirkii Ka Socday Rwanda Oo Booqanaya Meelaha Taariikhiga Ah Ee Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Rwanda oo jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku shirayeen ayaa saakay ka qeyb galayaasha shirkaasi oo ah kaalinta qurba joogta Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya waxa ay booqanayaan xaruumaha qadiimiga ah ee dalkaasi islamarkaana taariikhiga ah oo la dhigey xusuustii xasuuqii Rwanda 1994 si ay indhaheeda ugu soo arkaan dhibaatada Rwanda ka dhacday iyo sida hadda looga gudbey, iyada laga qaadanayo casharo laga yaabo in xal loogu heli karo arrimaha Soomaaliya ka taagan oo siyaaabo badan ula mid ah wixii ka dhacay Rwanda.

Goobaha ay booqanayaan dadkaasi ayaa waxa ka mid ah meelihii ku bur buray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Rwanda oo ku yaala magaalada Kigali sida xaruun lagu xanaaneeyo dadkii ku naafoobay dagaaladii ka dhacay 1994-tii xiligaasi oo uu xasuuq ba’an ka dhacay.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Ka qeyb galayaasha shirkaasi ayaa aad ula dhacay bilicda, quruxda magaalada Kigali ee dalkaasi, iyo is jeceylka dadka reer Ruwaanda, taasi oo ah mid laga baran karo cashar maadaama dalkaasi uu soo maray colaado dad badan ay ku dhinteen.

Previous Post

DAAWO-Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Dawa Ah Kala Wareegay Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Barlamaanka Somalia oo ka doodaya waqtiga golaha wasiirrada la ansixinayo

Next Post
Barlamaanka Somalia oo ka doodaya waqtiga golaha wasiirrada la ansixinayo

Barlamaanka Somalia oo ka doodaya waqtiga golaha wasiirrada la ansixinayo

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In