Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda amniga oo ku raad joogta shaqsiyaad ka tirsan Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 16, 2015
in Wararka
0
Wasaaradda amniga oo ku raad joogta shaqsiyaad ka tirsan Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegtay iney ku raad joogto shaqsiyaad ka tirsan kooxda Shabaab, kuwaasoo ka haray shabakado argagixiso oo ciidamada nabadgelyadu hor u bur buriyeen.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada ammaanka ay baadi goob ugu jiraan shaqsiyaadka ka tirsan Shabaab ee ku howllan falal argagixiso oo ay ku dhibaateynayaan ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

“Wada shaqeynta ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa keentay in xogag farabadan la helo, lana bur buriyo shabakado argagixiso, shar wadayaal kale oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho ayey ciidanku ku raad joogaan” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda amniga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in laamaha ammaanku ay u taaganyahay ka hortagga falalka liddiga ku ah amniga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay adeegsadaan tabo casri ah oo looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada nabadsugidda iyo Booliisku ay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan xaafadaha Muqdisho, kuwaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka iyo bulshada degmada Wadajir oo barlamanka ka dalbaday iney ansixiyaan xukuumadda

Next Post
Maamulka iyo bulshada degmada Wadajir oo barlamanka ka dalbaday iney ansixiyaan xukuumadda

Maamulka iyo bulshada degmada Wadajir oo barlamanka ka dalbaday iney ansixiyaan xukuumadda

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In