Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa bulshada uga digay waxyaabo badan oo halis ku ah caafimaadkooda oo ay ka midka yihiin, siliga gabdhuhu ay afka ku xirtaan, dhayalsiga cadayga iyo qataraha waxyaabaha macmacaanka ah ay u keenayaan caafimaadka qofka beni’aadamka.

Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, isla markaana marti ku ahaa barnaamijka weydii dhaqtarka oo ah barnaamij todobaadle ah, kana baxa Telefishinka iyo Idaacadda Qaranka ayaa sheekeeyay xanuunada ku dhaca Afka, gaar ahaan ciridka iyo ilkaha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026

Dhaqtarka ayaa bulshada uga digay inaysan dhayalsan cadayga oo uu ku sheegay inay ku jirto caafimaadka qofka, loona baahanyahay in xilliyada uu qofka seexanayo iyo marka uu soo kacayaba in uu cadeysto.

“Hadii ay dhaqan geliyaan hal xadiith, dhib badan maba ku dhaceen qofka, teeda kale cudurada ku dhaca ciridka ay sabab u tahay caday la’aanta, marka anigu waxaan kula talin lahaa inay cadeyga badiyaan xilliyada uu qofka jiifanayo iyo marka uu hurdada ka soo tooso” ayuu yiri dhaqtarka.

Dr Cabdiqaadir ayaa hoosta ka xariiqay in dadka ay u xiranyihiin siliga ama biraha lagu toosiyo ilkaha aysan isticmaali karin daawooyinka xanuun baabi’iyaha, taasi oo uu ku macneeyay in shaqadii ilkaha laga hayay ay istaageyso.

“Muddada ay birahan u xiranyihin waxaa haboon in qofka uusan isticmaalin xanuunin baabi’iye nuucuu doonee ha ahaato, waayo Ilkaha way isriixayaan, oo waxaa la rabaa in laf lafkale ku dhexjirta in booska laga wareeyiyo si loo toosiyo ilkaha, laakiin haddii inta qofka ay ugu jirto biraha uu isticmaalo xanuu baabi’iye way joogsaneynaa shaqadii laga hayay ilkaha” ayuu dhaqtar C/qaadir hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Previous Post

Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In