Dowladaha casriga ah ee dunida ka jiraa waxa ay ku dhaqmaan dasaatiir ay degsadeen oo ay ku maareeyaan dowladnimadooda, Dustuurka ayaana ugu sarreeyay sharciyada ay dowladuhu isku maamulaan.
Dustuur waxaa lagu qeexaa koox qawaaniin ah oo dal lagu maamulo, kaas oo ku shaqo leh nooca xukun ee dal qaadanayo, habka loo dhisayo xukuumadda iyo baarlamaanka , awoodaha hay’adaha dowladda, xuquuqda mwaadiniinta, waajibaadkooda iwm.
Dalkeenna Soomaaliya waxa uu leeyahay dastuur shareecada Islaamka ku saleysan, basle kooxaha xagjirka ah sida Shabaab ayaa had iyo jeer ku fura tashwiish iyagoo ku dooda in aan loo baahneyn dustuur.
Haddaba waa maxay aragtida Islaamka ee ku aaddan Dustuurka iyo maxaase ka jira doodaha xagjirka oo ah in dustuurku ka soo horjeedo shareecada.
Waa mowduuca todobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh Cabdullaahi Axmed Garruun.