Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan wacgelin ah oo loo qabtay umulisooyinka degmada Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kulan wacgelin ah oo loo qabtay umulisooyinka degmada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii haweenka loogu wacyigelin lahaa inay xiriir joogta ah la sameeyaan xarumaha caafimaadka marka ay uurka leeyihiin ilaa iyo inta ay ka dhalayaan ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 haween oo isugu jiro umulisooyin iyo kal kaaliyaal caafimaad, waxaana u jeedkiisu ahaa sidii la isugu xiri lahaa umuliso dhaqameedyada iyo dhaqaatiirta kale ee ka howlgala xarumaha caafimaadka, si ay isaga kaashadaan in haweenka uurka leh aysan dhibaatooyin kala kulmin xilliga dhalmada.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

July 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026

Xiririyaha tartanka haweenka caafimadka ee gobolka Shabeelaha dhexe Dr Faadumo Sheekh Xasan oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa xustay in haweenku ay qabaan dhibaatooyin kala duwan, iyadoo tilmaamtay in loo baahanyahay in wacyigelin badan la siiyo haweenka.

“Dhamaanteen mas’uuliyad ayaa naga saaran haweenka, waxaa nalooga baahanayahay in haweenka uurka leh aan ku dhiiiri gelinayo inay ku xirnaadaan xarumaha caafimaadka, lana siiyo talooyin ku aadan in haweenku ay waqtiyo kala duwan ku soo noq noqdaan xarumaha caafimaadka oo la siiyo jadwal ah xilliyada ay isbitaalka imaaneyso si loola socod siiyo xaaladeeda caafimaad iyo halka ay mareyso” ayay tiri Faadumo Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Shabeelaha dhexe Sahro Maxamed Nur oo ugu dambeyntii kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in deegaanno hoos yimaada degmada Jowhar ay haween badan u dhintaan dhiig bax, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto.

“Tuulada biya cadde iyo tuulooyin kale dhibaatooyin caafimaad ayaa ka jirta, waxaa naloo sheegay in haween badan ay umul raaceen oo ay u dhinteen caafimaad darro, waxaan haweenkiina dhaqaatiirta leh idinka codsaneynaa inaad talooyin wacyigelineed siisaan haweenka uurka leh ee idinkugu soo booqanaya xarumaha caafimaadka ee aad ku sugantihiin” ayay tiri Sacdiyo Maxamed Nuur.

Previous Post

Xubno ka tirsan guddiga farsamada Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado gaaray

Next Post

Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Next Post
Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

July 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Xero Maslax ee...

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In