Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan wacgelin ah oo loo qabtay umulisooyinka degmada Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2015
in Wararka
0
Kulan wacgelin ah oo loo qabtay umulisooyinka degmada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii haweenka loogu wacyigelin lahaa inay xiriir joogta ah la sameeyaan xarumaha caafimaadka marka ay uurka leeyihiin ilaa iyo inta ay ka dhalayaan ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 haween oo isugu jiro umulisooyin iyo kal kaaliyaal caafimaad, waxaana u jeedkiisu ahaa sidii la isugu xiri lahaa umuliso dhaqameedyada iyo dhaqaatiirta kale ee ka howlgala xarumaha caafimaadka, si ay isaga kaashadaan in haweenka uurka leh aysan dhibaatooyin kala kulmin xilliga dhalmada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Xiririyaha tartanka haweenka caafimadka ee gobolka Shabeelaha dhexe Dr Faadumo Sheekh Xasan oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa xustay in haweenku ay qabaan dhibaatooyin kala duwan, iyadoo tilmaamtay in loo baahanyahay in wacyigelin badan la siiyo haweenka.

“Dhamaanteen mas’uuliyad ayaa naga saaran haweenka, waxaa nalooga baahanayahay in haweenka uurka leh aan ku dhiiiri gelinayo inay ku xirnaadaan xarumaha caafimaadka, lana siiyo talooyin ku aadan in haweenku ay waqtiyo kala duwan ku soo noq noqdaan xarumaha caafimaadka oo la siiyo jadwal ah xilliyada ay isbitaalka imaaneyso si loola socod siiyo xaaladeeda caafimaad iyo halka ay mareyso” ayay tiri Faadumo Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Shabeelaha dhexe Sahro Maxamed Nur oo ugu dambeyntii kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in deegaanno hoos yimaada degmada Jowhar ay haween badan u dhintaan dhiig bax, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto.

“Tuulada biya cadde iyo tuulooyin kale dhibaatooyin caafimaad ayaa ka jirta, waxaa naloo sheegay in haween badan ay umul raaceen oo ay u dhinteen caafimaad darro, waxaan haweenkiina dhaqaatiirta leh idinka codsaneynaa inaad talooyin wacyigelineed siisaan haweenka uurka leh ee idinkugu soo booqanaya xarumaha caafimaadka ee aad ku sugantihiin” ayay tiri Sacdiyo Maxamed Nuur.

Previous Post

Xubno ka tirsan guddiga farsamada Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado gaaray

Next Post

Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Next Post
Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray bahda saxaafadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In