Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in la helaa Manhaj Waxbarasho oo midaysan kuna qoran farta Soomaaliga”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2015
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Xafiisyada Dowladda laga bilaabo maanta lagama soo saari karo warqad ku qoran Afka qalaad” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay markii la qoray Afka Soomaaliga oo ku beegan 21 janaayo oo ah maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay labada gole ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ka hadlayay xuska maalinta la qoray Afka Soomaaliga waxa uu ku amray madaxda Wasaaradda Hidaha iyo Taclinta sare in ay sameyso Manhaj ay ku miday sanyihiin dhamaan bahda waxbarashada kaas oo ku qoran afha Hooyo ee Soomaaliga.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

“Wasaaradda Tacliinta waxaan farayaa in ay sameyso manhaj midaysan oo ku qoran farta Soomaaliga si kasto oo awoodda wasaaraddu u yartahay, hadana waa lama huraan in ay u istaagto Arrintaan, laga billaabo sanadkaan waxaan u istaagi Doonnaa dhamaystirka inta ka dhiman manhajka, iyada oo lagu qori doono farta Soomaaliga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khudbadda Madaxweynaha Dalka oo aad u dheereed ayaa waxa uu sidoo kale uga hadlay sida loo soo celin karo xarumihii
taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ku yiilay kuwaas oo ku bur-buray dagaaladii dalka ka dhacay.

“Xarumihii Aqoonta iyo Taariikhda iyo Ilbaxnimada Soomaaliya sida, Madxafka iyo Maktabada waa in dib loo soo celiyaa, Dowladda Soomaaliya waxa ay u istaagi doontaa dib u soo noolaynta goobahaas sanadkaan” ayuu yiri markale Madaxweynaha Soomaaliya .

Sidoo kale mas’uuliyiintii kale ee munaasabadda ka soo qayb galay ayaaa isku raacay in la qaato go’aannada Madaxweynaha dalka si afka Soomaaliga kor loogu qaado,

Afka Hooyo ee Soomaaliga ah ayaa la qoray sanadkii 1973’kii iyadoo hatan laga joogo muddo 42 sano ah waxaana si weyn maanta looga xusay goobo badan oo ugu horayso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Diyaarinta:- Nimco Xirsi Jimcaale

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Xafiisyada Dowladda laga bilaabo maanta lagama soo saari karo warqad ku qoran Afka qalaad” SAWIRRO

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In