Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Xabsi U Taxaabay Guddoomiyaha Degmada Bula Burde iyo Duqa Degmadaasi “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xariga guddoomiyaha degmada Bula burde Duqa Degmadaasi,ayaa ka dambeysay kaddib markii sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku heleen lunsasho raashin gar gaar oo loogu talo galay dadka ku go’doonsanaa Bula Burde, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu sheegay in markii hore ay degmadaasi u direen saraakiil isugu jirta Nabad sugid iyo boliisa kuwaa baaritaan ku soo sameeyay arrinkaasi ayna ku ogaadeen eedeysanayaashaasi in ay lunsadeen raashinkaasi ayna ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Bula burda ayna la xiran yihiin dad kale oo ay ku jiraan ganacsatadii iibsatay raashinkaasi.

Shir jariid oo ay si wada jir ah magalada muqdisho ugu qabteen xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo ku xigeenkisa ayaa faah faahin ka bixiyay.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026

Ku xigeenka koowaad ee xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Abuukar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu sheegay in caawa ay xiran yihiin guddoomiyaha degmada Bula burde iyo duqa degmadaasi, kaddib markii eed ay ku yeesheen wax isdaba marintaasi, isagoo sidoo kale sheegay in si ku meel gaar ah maamulka halkaasi ay ugu soo wareejiyeen Guddoomiye ku xigeenka Degmadaasi ee dhinaca maaliyadda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu ka hadlay eedaasi, isagoo faah faahin ka bixiyay sida dhibka badan loogu geeyay raashinkaasi dadka ku go’doonsan magaalada Bula burde oo askar badan oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in la lunsado raashinkaasi oo loogu talo galay dad go’doon ku jira, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan ka hari doonin dadka caadeystay lunsashada hantida dadweynaha ayna sharciga soo taagi doonaa.

Iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo waayihii dambe ku mashquulsanaa dabagalka iyo la socodka xafiisyada iyo maamulada Dowladda ayaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud howshiisa waxaa hambalyeeyay bulshada qeybaheeda kale duwan.

HALKANI KA DHAGEYSO SHIRKA JIRAA’ID EE XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA IYO KU XIGEENKIISA.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/01/codka-xeer-ilalinta-guud-ok.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ee Galmudug iyo Puntland oo iskaashanaya ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Galkacyo,...

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qorshe lagu doonayo in Kenya laga dhiso xarun lagu karantiilo laguna daweeyo dadka Maraykanka ah,ee la kulmay Ebola ayaa...

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In