Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe oo olole nadaafadeed ka wada Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe oo olole nadaafadeed ka wada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Olole nadaafadeed oo ay horkaceyso guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe ayaa ka socda degmada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Ololahan oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Afarta xaafadood oo ay ka koobantahay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka gobolka Shabeellaha dhexe.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Buris) oo iyadu soo kormeertay habsami u socodka ololahaasi, islamarkaana warbaahinta kula hadashay xaafadda horseed xilli ay ka socotay olole nadaafadeed ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid sare loogu qaadayo bilicda magaala madaxda gobolka ee Jowhar.

“Howlaha ka socda Afarta xaafadood ee magaalada Jowhar ayaan kormeer ku mareynay sida Kulmis, Buulo Sheekh, Horseed iyo Hantiwadaag, gabdhaha ka shaqeeynaya nadaafada iyo bilic soo celinta howshooda aad iyo aadeey u socotaa” ayey tiri Marwo Sacdiyo Buris oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey ku dhiiri gelisay haweenka nadaafadda in la abaalmarin doono islamarkaana an la iloobi doonin kaalinta muhiimka ah oo ay kaga jiraan bulshada iyo horumarka deegaanka.

Marwo Sacdiyo Buris ayaa hoosta ka xariiqday in ololahani nadaafadeed ay ku baahin doonto dhamaan degmooyinka gobolka oo dhan, waxeyna tilmaantay in haweenka gobolka aysan ka daali doonin ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada bulshada, sida nadaafadda, nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo wacyigelinta.

Waxey ugu baaqday maamulka iyo hey’adaha samafalka iney ka caawiyaan haweenka qalabka loo adeegsado nadaafadda iyo gaadiidka culus, iyadoo ka dalbatay bulshada inteeda kale iney ka qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.

Previous Post

Saraakiisha Hey’adaha Ammaanka Oo Ka Shiray Sugida Amniga Caasimada

Next Post

Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Next Post
Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In