Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle “Booqashada Madaxweynaha Turkiga waxa ay noo tahay mid taariikhi ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu yahay mid taariikhi ah, waxaana uu intaa ku daray in dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ay farxad weyn u tahay booqashada marka labaad ee uu dalka u imaanayo Mudane Recep Tayyip Erdoğan Madaxweynaha DalkaTurkiga.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isaga oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa xusay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu furayo Terminal-ka cusub ee ay ka dhiseen garoonka Aadan Cadde iyo isbitaalka Digfeer oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Related posts

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026

Siihayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay ay kala saxiixan doonaan mashaariic kale oo horumarineed oo ah wajiga labaad mashaariic wax loogu qabanayo bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka.

“Aniga aad baan ugu faraxsanahay booqashada marka labaad ee uu dalku ku imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan runtii Terminal-ka cusub ee ay noo dhiseen waa mid casri ah, sidoo kale isbitaalka digfeer qalab casri ah ayay keeneen oo aan kaga maarmi karno in caafimaad dalka dibadiisa loo aado” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Previous Post

DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In