Tuesday, December 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

QAAHIRA 30 Janaayo 2015: Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa dhiirigeliyey Maktablayda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay ka soo muuqatay bandhig buugaag oo lagu qabtay magalada Qaahira waxaana Soomaaliya mataleyay Midawga Maktablayda dalka oo ay ka socdeen 14 maktabadood oo ka jira dhamaan Gobollada Soomaaliya, iyadoo Safaarada Soomaaliyeed ee Masar ay u fududeysay Maktablayda.

Furitaanka carwadan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Masar Ibraahim Maxlab, Safiirka Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan, Qunsulka Soomaaliya Cali Bashiir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi iyo qoraayaal ka kala yimid daafaha aduunka.

Related posts

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025

“Aad baan ugu faraxsanahay in 25 sano kadib aan kasoo dhex muuqano madal Carab iyo Cajam isugu timid. Waa tallaabo hormar ah oo aan u qaadnay dhanka horumarka iyo sare u qaadidda maqaamka Soomaaliya ay kaga jirtay dalalka Carabta, Afrika iyo Aduunkaba.” Sidaa waxaa yiri Maxamed Shiil oo hogaaminayay wafdiga ka socday Maktableyda Soomaaliya.

Ururka Maktablayda Soomaaliya ayaa sheegay in ka qaybgalka carwadan uga gol lahaayeen inay caalamka gaarsiiyaan in sheekooyinka Soomaaliya aysan ahayn burcad badeed iyo gaajo balse isbadal iyo horumar wayn dalka ka dhacay, loona gudbay in lasoo nooleeyo jiritaanka hay’adihii lafdhabarka u ahaa waxbarashada iyo aqoonta Soomaaliya.

Raysul-wasaaraha waddanka Masar ayaa si gooni ah u soo booqday qeybta ay Soomaaliya ku laheyd bandhigga, isaga aad u boorriyay ka qeyb-galkooda isla markaana ka codsaday Madaxa Ururka Daabacayaasha Soomaaliyeed, mudane Maxamed Axmed (Shiil) inuu laba jibbaaro dadaalka uu ugu jiro ku soo dabbaalidda Soomaaliya bandhigyada akhriska iyo aqoonta.

Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa kaalin mug leh ka qaaadatay in Bandhig Carweedkan ay Soomaaliya safka hore ka soo gasho. Ururka Maktablayda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay dadaalkii shaqaalaha safaaradda Qaahira iyo sidii wanaagsanayd ee ay u suura galiyeen in sanadkan maktabadaha dalka ka jira ka qayb galaan madasl calaami ah.
Bandhigan oo sanadle ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay 650 Madbacadood oo ka socda 26 Dal oo Carab iyo dunida kaleba isugu jira, waxuuna socon doonaa illaa 12-ka bisha Febraayo.

DHAMAAD – Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha

unnamed (1)

unnamed

Previous Post

Nin Soomaali-Mareykan ah oo lagu daray liiska argagixisada

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo...

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025
0

Mas'uuliyiin heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa kormeer ku togay xarunta degmada Kaaraan oo ay...

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

December 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In