Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, oo ka mid ahaa hal abuuradii Soomaaliyeed, isla markaana ahaa dadkii qoray Af-Soomaaliga,

Marxuumka ayaa la sheegay in mudooyinkan xanuunsanaa, isla markaana caafimaad dibad ah loo qaaday, balse markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidaasina uu saaka ugu geeriyooday Muqdisho.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Axmed Faarax Idaajaa oo ah suugaanyahan Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ugu horeyn tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud eheladii uu ka tegay Marxuum Xuseen Sheekh Axmed kadare.

Axmed Faarax Idaajaa ayaa tilmaamay in marxuumka in uu howlo badan soo qabtay oo ay ka midtahay dadkiii qoray farta Soomaaliga, ka shaqeynta ururrada shaqaalaha dowliga ah iyo howlo ganacsi uu in badan ku soo dhex jiray, waxaana uu intaa ku daray in Marxuum Kadare uu ahaa raggii 50-meeyadii isku dayay in uu sameeyo far qoris u gaar ah farta Soomaaliga,

“Sanadkii 1958-9 ayuu soo saaray qoraal ku aadan farta Soomaaliga, sanadkii 1960-kii markii ay dhalatay dowladdia waxa uu qeyb ka ahaa guddi loo xilsaaray farta Soomaaliga, 1966-kii Enesco ayaa Soomaaliya guddi u soo dirtay, waxaana qiimeyn ay sameeyeen ay Shire Jaamac ku tilmaameen in uu ahaa ninka kaalinta koowaad galay, waxaana kuxigay oo labaad galay Allaha u naxariiste Xuseen Sheekh Axmed Kadare, iyagoo soo jeediyay in farta laga dhigo oo ay caalamka fahmi karo”.

Qoraaga Soomaaliyeed Axmed Faarax Idaajaa ayaa intaa ku daray “Aas aaskii SYL sanadkii 1943-kii mabaadii’da waxaa ku jirtay in la helo far Soomaali, runtii dowladkasta oo dhalatana waxa ay sameyn jirtay guddi arrintaa dabagala, sanadkii 1971-kii waxa uu ka mid ahaa odoyaashii loo xil saaray qorista farta Soomaaliga ee aan maanta adeegsaneyno, bishii Maarso ayaan guddigan ku soo biiray oo aan is baranay, sidoo kale waxa uu Madax ka ahaa Guddigii qiimeynta buugaagta far Soomaaliga ah ee la qoro iyo Suugaanta, waxaana uu ahaa shaqsi hal abuur leh oo Ummadda Soomaaliyeed ay xasuustiisa ka go’i doonin waxa uu u qabtay”.

Previous Post

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Next Post

Bulshada oo laga codsaday dib u dhiska Masjid ku yaalla Boondheere “SAWIRRO”

Next Post
Bulshada oo laga codsaday dib u dhiska Masjid ku yaalla Boondheere “SAWIRRO”

Bulshada oo laga codsaday dib u dhiska Masjid ku yaalla Boondheere “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In