Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abwaan Hadraawi iyo Qoraa Cabdulaahi oo ka tacsiyeeyay geeridii Marxuum Xuseen Kadare

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Abwaan Hadraawi iyo Qoraa Cabdulaahi oo ka tacsiyeeyay geeridii Marxuum Xuseen Kadare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraa Cabdulaahi Diiriye Guuleed iyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay geeridii ku timid Marxuum Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qoraa Cabdulaahi Diiriye Guuleed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Dr Xusen Sheekh Axmed Kadare.

Related posts

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026

“Ummadda Soomaaliyeed oo dhan Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, ehelkiisa iyo inta aqoonta leh ee wax qori jirtay Samir iyo iimaan Allaha ka wada siiyo, runtii geeridu waa xaq, intii ku taqaanay akadeemiyada, dhaqanka, fanka iyo suugaanta waxa uu ahaa nin hal abuur ah, oo uu dadaal badan ku lahaa sida ay u dhisanyihiin geeraarada iyo suugaanta kale, waxaan kaloo isbaranay todobaatameeyadii, waxaana uu ahaa nin shaqsiyad fiican leh oo ay bulshada wada jeclaayeen” ayuu yiri Qoraa Cabdullaahi Diiriye Guuleed.

Sidoo kale Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo isna ladlay Warbaahinta Qaranka isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeya geerida marxuumka, isagoo xusay in Marxuum Xuseen Kadare uu ahaa nin hal abuur leh.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare Allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. waqti dheer ayaa ka dambeysay markii aan wada joognay Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta, waxa uu ahaa nin majaajiliista ahaa oo kaa qosolsiiya, waxa uu ahaa nin fur furan oo dabeecad wanaagsan, isla markaana ahaa hal abuure Soomaaliyeed”.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ayaa intaa ku daray “Qorista afka Soomaaliga door weyn ayuu ku lahaa, waa ninkii ku dagaalami jiray in la helo far Soomaali u gaar ah, teeda kale waxa uu ahaa nin waddani ah oo ay wada jeclaayeen dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana is baranay 86-kii, gabay aan tiriyay ayaan isaga ku hadal qabsaday, Allaha u naxariisto”

Previous Post

Ambassador Cali Ameriko oo Ka Tacsiyeyay Geeridii Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
0

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

February 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In