Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“DAAWO”Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo qalab guddoonsiiyay maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
“DAAWO”Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo qalab guddoonsiiyay maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta Hay’adda Tika ee Dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha fulinta Mashaariicda dowladaasi bixiso ayaa maanta waxa ay xaruanta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kula kulmeen Maamulka sare ee Jaamacadda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale iyo Labadiisa ku xigeen.

Maamulka Jaamacadda Ummadda iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u soo nooleynta xarumaha bur bursan ee Jaamacadda ay Dalka ku lahayd, iyadoo Maamulkuna uu faah faahin ka siiyay Danjiraha Aas Aaskii Jaamacadda, heerarkii ay soo martay iyo dib u howl gelinta Jaamacadda.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale ku wareejiyay 40 Kombiyuutar, waxaana uu balan qaaday in Dowladda Turkiga ay waxayaabaha ay muhiimada siineyso ay ka mid noqon doonto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, marwalbana ay dhiiri gelin doonaan Waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen safiirka uu yahay mid ay kaga wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qalabeynta Jaamacadda.

Dhanka kale Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta u fariistay Imtixaankii ugu horeeyay ee ay Jaamacaddu qaado muddo 23 sano kaddib.

Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa ahayd halka ay ka soo maaxato aqoonta, waxaana ay safka hore kaga jirtay Jaamacadaha ugu horumarsan Qaaradda Afrika.

Previous Post

“DAAWO”Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In