Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Kala Dhex galay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Kala Dhex galay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo saakay ka dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo walaala ah oo wada dagaa magaaladaasi ayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Ammaanka oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM kuwaa oo ku guuleystay in ay joojiyaan colaadaasi.

Ciidammada Ammaanka oo ku hubeysnaa gadiidka dagaalka ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag, gaar ahaan meelihii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedka, waxaana ay saraakiisa ku amreen horjoogayaasha maleeshiyada iyo waxgaradka dhinacyada dagaallamayay in xabada la joojiyo, loona dulqaadan doonin in lagu sii dul-dagaallamo dadka rayid ah.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Mas’uuliyiinta Maamulka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka beellaha diriraya ayaa wadda jir u sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabad-galyada, sidaa awgeed looga baahan yahay labada dhinac in ay ka fikiraan cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan colaado ragaadiyay horumarka gobolka, waxaana uu ku baaqay in bulshada gobolka ay Maamulka gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocaam oo kale.

“Waxaa nala gudboon in aan maanta kaddib ka xishoono in maleeshiyaad hubeysan ay ishortaag ku sameeyaan horumarka uu gobolka ku talaabsanayo, tankale ninkii dad dila markasta waa dambiile, anaguna haddii aan qabano cadaaladda ayaa la marsiinayaa, tan kale maleeshiyaadka qabiilka u hubeysan way soo noqdeen, mana ogolaan doono in maleeshiyaad hubeysan ay gobolka dhibaatooyin ka geystaan”ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, xaaladda ayaa waqtigan degan waxaana soconaya shirar kala duwan oo ay leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidammada dowladda, AMISOM iyo odayaasha oo looga wadda hadllayo siddii looga fogaan lahaa dagaal danbe oo dhaca.

Previous Post

Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah

Next Post

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In