Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Kala Dhex galay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Kala Dhex galay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo saakay ka dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo walaala ah oo wada dagaa magaaladaasi ayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Ammaanka oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM kuwaa oo ku guuleystay in ay joojiyaan colaadaasi.

Ciidammada Ammaanka oo ku hubeysnaa gadiidka dagaalka ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag, gaar ahaan meelihii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedka, waxaana ay saraakiisa ku amreen horjoogayaasha maleeshiyada iyo waxgaradka dhinacyada dagaallamayay in xabada la joojiyo, loona dulqaadan doonin in lagu sii dul-dagaallamo dadka rayid ah.

Related posts

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026

Mas’uuliyiinta Maamulka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka beellaha diriraya ayaa wadda jir u sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabad-galyada, sidaa awgeed looga baahan yahay labada dhinac in ay ka fikiraan cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan colaado ragaadiyay horumarka gobolka, waxaana uu ku baaqay in bulshada gobolka ay Maamulka gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocaam oo kale.

“Waxaa nala gudboon in aan maanta kaddib ka xishoono in maleeshiyaad hubeysan ay ishortaag ku sameeyaan horumarka uu gobolka ku talaabsanayo, tankale ninkii dad dila markasta waa dambiile, anaguna haddii aan qabano cadaaladda ayaa la marsiinayaa, tan kale maleeshiyaadka qabiilka u hubeysan way soo noqdeen, mana ogolaan doono in maleeshiyaad hubeysan ay gobolka dhibaatooyin ka geystaan”ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, xaaladda ayaa waqtigan degan waxaana soconaya shirar kala duwan oo ay leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidammada dowladda, AMISOM iyo odayaasha oo looga wadda hadllayo siddii looga fogaan lahaa dagaal danbe oo dhaca.

Previous Post

Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah

Next Post

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In